Doorashadii Aqalka Sare ee HirShabeelle oo maanta baaqatay xilli ay xiisad jirto

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa maanta markale dib u dhacday doorashada kuraas kamid ah Aqalka Sare, waxaana farriimo loo kala diray xildhibaan baarlamaanka Hirshabelle oo loogu sheegayo inaysa doorasho jirin.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Bulle oo la hadlay idaacada KNN ayaa sheegay in arrimo farsamo ay u baaqatay doorashada maanta, islamarkaana la filan karo in caawa farriimo loo kala diro xildhibaanada si loo qabto doorashada.

“Cilado farsamo awgood ayey dib ugu dhacday, waxaan sugeynaa ilaa caawa, markaa anaga waxaa dhowrnaynaa in sidii kuwii hore loo doortay ay dhici doonto oo la dooran doono,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay in khilaaf adag oo ka taagan kuraastaas ay u baaqatay doorashada, isagoona ku dooday in doorashada Hirshabelle ay aheyd middii ugu daah furneyd ee doorashooyinkii ka dhacay maamulada dalka.

“Waxaa isleenahay arrimahaas waa iska baranbagooda, doorashada Hirshabelle waa doorasho daah-furan oo cid-walba oo wax kasoo doonatay lagu qanciyay, waxaa rajeynaynaa in labada kursi la dooran doono.”

Arrintan ayaa sidoo kale imaneysa xilli uu guddoonka baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle uu wado in uu tallaabo ka qaado xildhibaano ku buuqay doorashadii habeen hore qabsoomi laheyd.

Xildhibaanada dacwadda laga gudbiyey oo gaaraya illaa saddex xubnood, ayaa waxaa lagu qaadaya waxa uu ka qabo heer hoosaadka u yaalla baarlamaanka.

“Saddex xildhibaan oo ka mid ah xildhibaannadii codeynayay ayaa sameeyay qaab anshax darro ah, dacwaddooda waxaa loo diray sharciga oo ah meesha lagu kala baxo, xeer-hoosaadka inoo yaalla wixii ku qoran ayaa lagu qaadayaa,” ayuu yiri Siraaji Sheekh Isxaaq, Guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Hirshabeelle.

Si kastaba, doorashada HirShabelle ee Golaha Aqalka Sare ayaa mareysa heer gabagaba, waxaana lagu wadaa in kuraasta dhiman la dhameystiri doono saacadaha soo socda, haddii uusan dib u dhac kale ku imaan.