Doorashadii berri oo dib u dhacday iyo shir xasaasi ah oo Villa Somalia uga socda Farmaajo iyo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ilo wareedyo ka tirsan Villa Somalia u xaqiijiyeen Caasimada Online Madaxweyne Farmaajo ayaa caawa u yeertay 8 ka mid ah odayaasha dhaqanka ee ku jira Ergada soo dooraneysa Senatarada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi, kuwaas oo Farmaajo loogu geeyay Madaxtooyada oo haatan uu shir kula leeyahay.

Ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada ayaa noo sheegay in 8-da Oday dhaqameedka ee Madaxtooyada la geeyay ay ka mid yihiin kuwa ugu saameynta badan xubnaha Gobolada Waqooyi ee maanta lagu xareeyay teendhada Afisyooni, waxuuna qorshuhu ahaa in maalinta Talaadada ah ay soo doortaan Senatarada Aqalka Sare ee Somaliland.

Ergooyinka doorashada ka qeyb qaadanaya ayaa maanta la xareeyey, balse tallaabadan uu caawa Farmaajo qaaday ayaa loo arkaa mid durba carqalad cusub noqotay doorashada Aqalka Sare ee Somaliland.

Dhanka kale qoraal ka soo baxay guddiga hirgelinta doorashooyinka senatorrada Aqalka Sare ee Somaliland ayaa lagu shaaciyey in dib u dhac uu ku yimid doorashada xubnaha Aqalka Sare oo lagu balansanaa in berri ay musharaxiintu khudbadahooda jeediyaan, si maalinka xiga ee 28-ka bisha ay doorashadu u bilaabato.

Markii laga soo tago in guddigu musharaxiinta ku wargeliyey in dib u dhac uu ku yimid jadwalka oo berri ay baaqatay hadal jeedintii loo balansanaa, hadana guddigu waqti kale ma cayimin oo wuxuu qoraalkaan ku sheegay in dib laga soo sheegi doono goorta ay bilaabaneyso hadal jeedinta Musharaxiinta.

“Waxaan ku war gelinaynaa dhamaan musharixiintii isku diiwan geliyay tartanka Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland in uu dib u dhac ku yimid  hadal jeedintii berri ay jeedin lahaayeen musharixiintu. Dib ayaan kasoo sheegi doonaa wakhtiga,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay guddiga.