Majaajiliistihii caanka ahaa ee Ajakis oo geeriyooday

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa goor dhow magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ku geeriyooday majaajiliistihii caanka ahaa ee Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis), kaas oo maalmihii dambe ku xanuunsanayey gudaha caasimada.

Geerida ku timid marxuumka ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyey qaar ka mid ah ehelladiisa iyo bahda TV-ga Universal oo uu la shaqeynayey.

“Allaha unaxariisto, majaajiliiste Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) oo ka mid ahaa hawl-wadeenada Tv-ga Universal oo goordhaw ku geeriyooday Muqdisho,” ayaa lagu yiri wr qoraal ah oo ka soo baxay maamulka Telefishinka caalamiga ah ee Universal.

Cabdi Muridi Dheere (Ajakis) ayaa saddexdii maalin ee la soo dhaafay ku jiray mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla magaalada Muqdisho ,halkaas oo lagu la tacaalayey xaaladdiisa caafimaad, kadib xanuun deg deg ah oo ku soo booday, xilli uu ku sugnaa xaafadiisa.

Geeridiisa ayaa waxaa ka tacsiyeeyey qeybaha kala duwan ee Fanka Soomaaliyeed iyo sidoo kale wasiirka wasaaradda warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe.

Wasiirka ayaa u tacsiyeeyey qoyska iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumka waxaana uu Alle uga baryey in Jannadii Farowdsa aheyd ka waraabiyo.

AUN marxuumka ayaa sidoo kale caan ku ahaa jiliinka iyo madadaalada, isaga oo tabin jiray barnaamijyo toos ah, isla-markaana ay jeclaayeen dadka Soomaaliyeed.