Guddi warbixin u gudbiyey R/Wasaare Rooble + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa kula kulmay xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka dalka, Waxuuna ka dhageystay warbixin ku aadan waxa uga qabsoomay doorashooyinka dalka ka socda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddiga kula dardaarmay inay dardar-geliyaan kaalinta uga aadan qabsoomida doorashada, sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble.

“Guddiga ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyay howlaha u qabsoomay ilaa hadda iyo sida ay uga go’an tahay in howsha ay u xilsaaran yihiin ay u gutaan si waafqasan habraaca guddiga ee xal u helista cabashooyinka soo ifbaxa,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddiga kula dardaarmay in ay waajibaadka ka saaran xallinta khilaafaadka ku saabsan doorashooyinka u gutaan si hufan oo caddaalad ah.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa adkeeyey muhiimadda uu guddigu ugu fadhiyo hannaanka hufnaanta doorashada, maadaama ay iyagu yihiin kuwii kala saari lahaa wax walboo khilaaf ka dhasha doorashada, bulshaduna uga fadhido in ay caddaalad u wada sameeyaan,” ayaa lagu yiri qoraalka uu xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ka soo saaray kulankaas.

Guddigaan oo kaalintiisu tahay inuu xaliyo Khilaafaadka ka dhasha doorashada ka socota dalka ayaa horay u korjoogteeyey doorashooyinkii Aqalka Sare ee ka dhacay magaalooyinka Kismaayo, Baydhaba, Garowe,  Dhuusamareeb iyo Jowhar.

28-ka bishan waxaa teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ka bilaabaneysa doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Somaliland, taas oo guddiga xalinta khilaafaadka laga doonayo inuu xaliyo wixii cabasho ah ee ka yimaada doorashada 11-kaas kursi ee gobollada waqooyi.