Jamaal oo sheegay laba arrin oo ay isku hayaan Saciid Deni

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda qorsheynta xukuumadda federalka Soomaaliya oo haatan ku sugan magaalada Garoowe ayaa ka hadlay xiisadda u dhexeysa isaga iyo madaxweynaha maamulkaasi, Mudane Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni).

Wasiir Jamaal ayaa shaaca ka qaaday inay laba qodob isku hayaan isaga iyo hoggaanka sare ee Puntland, kuwaas oo salka ku haya arrimaha dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in intii uu wanaagsanaa xiriirkoodu ay kaliya kala hadli jireen inuu siiyo arrimo mashariiic ah iyo sidoo kale dad shaqaaleysiinta dad ay ehel dhow yihiin.

Jamaal Maxamed Xasan ayaa xusay in xayiraadaha lagu sameeyey ay sidoo kale keeneen kala aragti duwanaanta siyaasadeed ee haatan u dhexeysa isaga iyo Saciid Deni.

“Madaxda Puntland waxa aan isku qabanay dhaqaalaha & siyaasad kala duwanaanta, wax gaar ah iskuma heyno balse keliya waxa ay igala soo xiriirayeen intii aan isku fiicneen mashaariic in aan siiyo & u shaqo gelinta dad ehel dhaw ay yihiin, Siyaasadda hadda dhaceysa oo keliya ay ka eegayaan doorashada hadda dhaceyso” ayuu yiri wasiir Jamaal.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray inuu haatan doonayo u tartamo ka mid noqoshada Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, wuxuuna farriin u diray odayaal kale ee ay is hayaan.

“Qof ahaan waxa aan doonayaa in aan dib ugu soo laabto xubinta Beesheyda balse waxaa jirto gacmo-gacmeen badan, Odoyaasha aan is heyno waxa aan leeyahay yaan isku soo degdegin” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka qorsheynta xukuumadda Soomaaliya.

Hadalkiisa ayaa ku soo aadayo, iyada oo shalay kolonyo uu watay lagu xanibay duleedka Garoowe, balse mar dambe oo laga soo reebay ilaaladii uu watay uu galay magaaladaas.