Doorasho xildhibaano oo ka billaabaneysa Garbahaarey

Garbahaarey (Caasimada Online) – Gudoomiyaha maamulka Gedo Axmed Buulle oo ka hadlay doorashada 16-ka kursi ee gobolka Gedo ayaa sheegay in doorasho aan aheyn tan lagu qabanayo Ceelwaaq ay Garbahaarey ku qabanayaan, isagoo Ra’iisul Wasaare ka codsaday inuu kala soo qayb galo doorashadaas.

Guddoomiye Axmed Buulle ayaa ku cataabay in la dulminayo, isagoo qof kasta ugu gacan haatiyey inay ka soo qeyb gasho doorashadaas, wuxuuna carabka ku adkeeyey in ammaanka qof kasta oo doorashada ay qabanayaan ka soo qeyb geleysa ay sugi doonaan.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa cadeeyey in Garbahaarey ay wada joogaan ciidamo isugu jira ATMIS, NISA, Boolis iyo xoogga dalka, “Anagu doorashadeena si toos ah ayaan u qabsa doonaa, qof kasta oo daneynaya haka soo qeyb galo, wax kasta ayaan u diyaarinay,” ayuu yiri.

Guddoomiye Buulle ayaa nasiib darro ku tilmaamay in qabiil dhan loogu awood sheegto fursadda hoggaminta dowladnimada, “Farmaajo wa madaxweyneheena, Rooble-na waa Ra’iisul wasaare waqtigiisa heysta, anaga Farmaajo weligiis nooma imaan, laakiin ninka noo yimid oo dhibkeena arkay waa Rooble, balse hadda hal mar ayuu kala wareegay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay Rooble la hadleen oo beeshiisa ay ku dacweeyeen, “Waxaan dhahnay Rooblow, Farmaajo waa Madaxweyne, adiguna Ra’iisul Wasaare ayaa tahay, waxaan nahay shacabkii aad u dhaaratay, anaga dad la dulminayo ayaan nahay, waxaa nalo adeegsanayaa maandheyd, ma gara karno sababta uu Rooble dhibka intaan la eg noogu sameynayo,” ayuu yiri.

Sidoo kale guddoomiyuhu wuxuu sheegay in metelaadooda aysan ka hari doonin oo weligood ay daba taagnaa doonaan, doorashada Ceelwaaqna aysan sugi doonin oo Garbahaarey ay doorasho kale ku qabsa doonaan.

Hoos ka dhageyso wareysi uu siiyey Shabeelle TV