Dowlad ballan qaadey inay bixineyso 1.8 milyan oo ka mid ah deynta Somalia

Adis Ababa (Caasimadda Online) Dowladda Soomaaliya ayaa durba ku guuleysatay iney ballan qaad ka hesho dowladda dalka Canada kadib markii laba xunood oo labada dowladood ka socda ay ku kulmeen magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya.

Wasiirka Waaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la qaata wasiirka wasaaradda Qoyska, Dhallaanka iyo Horumarinta Bulshada ee dalkaas Axmed Xuseen, waxeyna ka wada hadleen in dib loo soo celiyo iskaashiga labada dowladood.

Wasiir Axmed ayaa sheegay in Dowladda Canada ay dhigeeda Soomaaliya ka bixin doonto lacag dhan 8.1 Malyan oo qeyb ka noqon doonta qorshaha deyn cafinta Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale carabka ku dhuftay in dib loo bilaabi doono socdaalkii labada wadan.

Mudane Xasan Cali Maxamed oo ah wasiirka difaaca ayaa dowladda Canada kaga mahad celiyay sida ay ugu muujiyeen garab istaagga iyo taageerada quruxda badan.

Dowladda Soomaaliya waxey mudooyinkii ugu dambeeyay ku mashquulsaneyd sidii deymaha looga cafin lahaa, waxaana la ogyahay iney jiraan wadamo dhawr ah oo ballan qaaday iney deymaha qaar ka bixin doonaan wadankaan qaaradda Afrika ku yaalla.