Maamule shaqadii dowlada looga eryey ‘been sheegid’

Boorama (Caasimada Online) – Isu-duwaha wasaarada Howlaha guud iyo guryeynta ee gobolka Gabiley, Cabdi Cali Cilmi ayaa maanta shaqadii laga joojiyey, iyadoona sababta lagu sheegay ‘Been sheegid’.

Badhasaabka gobolka Gabiley, Maxamed Cismaan X. Axmed ayaa waraaq uu soo saaray shaqadii kaga joojiyey Isu-duwaha, isagoona xusay in Isu-duwuhu uu ka been sheegay arrin ay ka wada socdeen Wasaaradaha xukuumadu.

Mas’uulkan shaqo joojinta lagu sameeyay ayaa lagu eedeynaya in uu gebi ahaanba uu hareer maray, isla markaana uu been abuur ku tilmaamay qorshe ay Wasaarada gaadiidka iyo jidadka Somaliland ay ku rabtay dhul dan-guud ah oo ku yaala Wajaale.

“Waxaan ka joojiyey shaqadii uu Gobolka Gabiley ka hayey Isu-duwaha Wasaarada hawlaha guud ee dhulka iyo Guryeynta, sababta oo ah in aad ka been sheegtay Shaqo ay Wasaaaradaha qaranku ka wada socdeen oo aad ka warqabtay” ayaa lagu yiri Warqada ka soo baxday xafiiska Badhasaabka.

Waxa sidoo kale lagu yiri “Midaasi oo aheyd in dhulka danta guud ee Magaalada Wajaale ee ay xabaaluhu ku yaalan qeybta soo xigta wadada ay soo codsadeen Wasaarada Gaadiidka iyo Jidadka Somaliland, si ay u noqoto goob lagu kala wareejiyo gadiidka sida badeecadaha, misaanka iyo isasaarka gawaadhida isjiidka ah”.

Ugu dambeyntiina waxa uu Badhasaabku ku sheegay Warqadaasi in Isku-duwaha uu ka joojiyey shaqadii gobolka Gabiley, ilaa inta ay arrintaasi ka wada-hadlayaan Wasaarada hawlaha guud ee uu ka tirsanaa.