Askar loo xiray kiiska Janan iyo shaki ka taagan cidda ka dambeysay basashadiisa

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaya warar dheeri ah oo ku saabsan in saraakiil ciidan iyo madax ka tirsan dowladda ay ku lug lahaayeen qaabkii uu u baxsaday Cabdirashiid Xasan Nuur “Janan” oo 28-kii bishii hore ka baxsaday Muqdisho.

Arrinta baxsahada Cabdirashiid Janan ayaa waxaa xabsiga loo dhigay afar askari oo seddax ka mid ah boolis yihiin, halka kale uu nabadsugida ka tirsanaa, sida aan xogta ku helnay.

Seddaxda askari oo tirsanaa booliska saldhiga qeybta Bari, waxayna heyb ahaan kasoo jeedaan beesha Abgaal, halka askariga kale oo ka tirsanaa nabad-sugidda uu qabiil ahaan kasoo jeeda beesha Shiikhaal

Dadkan ayaa waxaa xabsiga la dhigay maalintii uu baxsaday Janan, iyadoo lagu eedeeyay inay wax ka ogaayeen.

Hase ahaatee askartaasi ayaa ku doodaya inaysan ka war hayn maxbuuska ay ilaalinayeen cida uu yahay iyo in aysan jirin maxbuus lagu wareejiyay ama la tusiyay oo lagu yiri maxbuuskaani ilaaliya, balse afka uun looga sheegay, lana tusin.

Arrintaasi waxay abuurtay shaki badan iyo tuhun u baahan in la dabagalo, oo loo raad raacdo saraakiishii askartaan goobta keenay iyo kuwa awaamiirta faray.

Waxaa yaab leh in wasiir ka tirsan Jubaland ee lasoo eedeeyay in guri shacab lagu maxbuuso, askartii ilaalineysayna aan loo sheegin darajada iyo qofka ay ilaalinayaan waxa uu yahay, lana tusin, balse afka uun looga sheego.

Ehallada askartan ayaa sheegay in wiilashooda dusha loo saaray baxsasho ay ka dambeeyeen xubno sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Ma jirto cid u doodaysa askartaasi oo sharci ahaan iyo qaanuun ahaan marka la fiiriyo xabsi aysan ku jiri karin in ka badan 48 saac bilaa maxkamad la’aan.