Seeraar oo ka hadlay dagaalkii Kismaayo iyo arrin soo socotay maalmahan

Kismaayo (Caasimada Online) – Cabdinaasir Seeraar oo hoggaamiya garab u doortay Madaxweynaha Jubaland, ayaa ka hadlay dagaalkii maanta magaalada Kismaayo ku dhex maray ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwo isaga taabacsan.

Seeraar ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu maalmihii dhowaa ku goodinayey in dulqaadkii ka dhamaaday magaaladana aysan wada joogi doonin qolo siyaasad ahaan kasoo hor jeedda, maantana uu dagaalkaan soo abaabulay, sida uu hadalka u dhigay.

Cabdinaasir Seeraar oo u waramay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in lagu soo weeraray guriga uu ka deganyahay magaalada Kismaayo, isagoo xusay in magaaladu maanta bandaw aheyd.

“Xaafaddi aan magaalada ka daganaa ayaa la igu soo weeraray oo ciidanka Axmed Madoobe ayaa dagaal igu soo qaaday, mudooyinkaana dagaalka waa nagu haayey, oo dul qaadkaa iga dhamaaday ayuu ku hayey waayahaan, habeen hore ayuu Nairobi ka yimid saraakiishiisa ayuu shiriyey waxuuna ku amray in magaalada nalaga bixiyo” ayuu yiri Cabdinaasir Seeraar.

Seeraar ayaa sheegay in u jeedka Kismaayo uu u joogo uu yahay in doorasho xalaal ah halkaas lagu qabto, isagoo madaxweyne Axmed Madoobe ku eedeeyey si uu u burburiyo rabitaankooda in uu adeegsado awood, taasna aysan aqbali doonin, sida uu sheegay.

“Anaga cid xoog noogu dowladeyn karta ma jirto, Axmedna in isagoo dano gaar ah ku gaaraya ayuu rabaa in uu dadkaan isku laayo, waxaan uga digayaa falalka uu sameynayo, wanaagu haduu wax tari waayey, aganu qaabka loola tacaamulo waa naqaanaa” ayuu hadalkiisa sii raaciiyey Cabdinaasir Seeraar.

Ugu dambeyntii Seeraar waxa uu sheegay in dagaalkii maanta joojintiisa ay ka qeyb qaateen isaga iyo odayaal kale, khasaaraha ka dhashayna aan illaa hadda wax qiimayn ah lagu sameyn.