Dowlada Ethiopia oo jawaab kulul siiyey MAREYKANKA

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ethiopia ayaa diiday eedeymaha Mareykanka ee ku saabsan in isir sifeyn ay ka dhacday gobolka Tigray, halkaas oo ciidamada dowladda ay kula dagaalameen kuwa ururka TPLF.

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Antony Blinken ayaa Arbacadii sheegay inuu doonayo in ciidamada Eritrea iyo kuwa ka yimid gobolka Amxaarada ay ka baxaan Tigray laguna beddelo ciidamo amni, oo ilaalin doona xuquuqda aadanaha, islamarkaana aan “gaysan doonin ficillo isir sifeyn ah.”

“Eedeyntan waa mid aan haba yareetee laheyn wax sal ah, waana eedeyn been ah oo ka dhan ah dowladda Ethiopia,” waxaa sidaas bayaan ay soo saartay ku tiri wasaaradda arrimaha dibedda Ethiopia. 

“Intii uu socday iyo markii uu dhamaaday howlgalka hirgelinta sharciga ee Tigray ma dhicin wax lagu qeexi karo isir sifeyn ula kac ah oo ka dhan ah cid ku sugan gobolka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ethiopia ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay kala shaqeyso khubarada caalamiga ah ee xuquuqda aadana inay baaritaano ku sameeyaan eedeymahan. 

Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa Jimcihii sheegtay inay go’aansatay inaysan qaadin hakad ay ku sameysay kaalmada la siiyo Ethiopia ee inta badan la xiriirta qeybaha amniga, maalin kadib markii xoghayaha arrimaha dibedda Antony Blinken uu ficillada ka socda gobolka Tigray ku qeexay isir sifeyn.

Kumanaan qof ayaa ku geeriyooday, boqolaal kun oo kalena waxaa lagu qasbay inay ka qaxaan guryahooda, waxaana gobolkan oo ay ku nool yihiin shan milyan oo qof ka jira cunno yari, biyo iyo dawo la’aan.

Blinken, oo Khamiistii taleefon kula hadlay xoghayaha guud ee QM, Antonio Guterres ayaa kala xaajooday muhiimadda baaritaan caalami ah oo lagu sameeyo xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ka dhacay gobolka, sida ay sheegtay Waaxad Arrimaha Dibedda.

QM ayaa toddobaadkii tegay sheegtay in ciidamada Eritrea ay hol-galayaan inta badan waqooyiga gobolka Tigray, waxaana jira warbixino sheegaya inay mas’uul ka yihiin xasuuqa ka dhacay gobolka.