Ethiopia oo shaacisay tirada saxda ah ee ku dhimatay colaada Soomaalida iyo Oromada

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Ethiopia ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in dad ka badan 20 ruux ay ku dhinteen dagaal todobaadki hore dhex maray qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ee Ethiopia.

Dowlada ayaa sheegtay in colaadaha sababay geerida in ka badan 20 ruux ay ka danbeeyen shaqsiyaad iminka ku jira gacanta dowlada.

Negeri Lenco, oo ah afhayeen u hadlay Dowlada Ethiopia, ayaa sheegay in dad gaaraya 98 Ruux loo xiray falkaasi, isla markaana xariga uu saameeyay dad kasoo kala jeeda qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ee Ethiopia.

Negeri Lenco, waxa uu sheegay in deegaanka Oromada laga soo xiray 98 halka dhulka Soomaalidana laga soo qabtay shan ruux. Dadkaan ayaa lalal xiriirinayaa in ay ku lug leeyihiin colaadda.

Negeri Lenco, waxa uu cadeeyay in dadkaasi la marin doono ciqaab ay ku muteysan doonaan kiiska dilalka ah ee loo qabtay.

Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ayaa ku muransan soohdinta labada dhinac.
Sidoo kale, Deegaanada ay colaaddu ka jirto ayay Dowladu sheegtay in ay geysay ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan millatariga.

Dhinaca kale, dowlada ayaa sheegtay inaysan weli ka gaabin xal u helida colaadaha ka dhashay soohdinta labada dhinac.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com