Xasan Sheekh oo isbadal weyn ku sameeyey go’aankii uu ka aaminsanaa dowladda dhexe

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda ku sugan dalka Turkiga ayaa isbadal ku sameeyey go’aankiisa ku aadan dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud oo markii hore si weyn uga soo horjeeday in dowladda dhexe waqtigaan la mucaarado ayaa hadda u muuqdo inuu arrintaas isbadal ku sameeyey, waxaana xogta lagu helayaa inuu Xasan Sheekh hadda ka aqbalay kooxdiisa qabyo in meesha laga saaro dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Siyaasiyiin, wasiiro hore iyo xildhibaano ka mida kooxdii lasoo shaqeysay madaxweynihii hor ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir ugu soo dhammaaday dalka Turkiga.

Shirkan oo uu guddoominayey madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ka qeyb galay in ka badan 30 xubnood oo ugu cadcadaa kooxda qabyo, waxaana looga hadlay xaaladda dalka iyo mowqifka ay ka qaadanayaan.

Xogta laga helayo shirkaasi ayaa sheegeysa in laba fikradood loo kala qeybsamay iyadoo tan hore oo ah in xaaladda siyaasadda dalka wax laga bedelo iyo in muddo kale loo sugo hoggaanka xilligan talada haya.

Xubno uu ugu cadcad yahay Faarax Sheekh C/qaadir ayaa la sheegay inay wateen fekrada ah inaan xilligan wax tallaabo ah la qaadin, isla markaana muddo dheeraad ah la siiyo hoggaanka madaxweyne Farmaajo, balse waxay wararku sheegayaan in laga cod batay oo xubnihii kale ay ku doodeen inaan gacmaha laga laaban karin xaaladda dalka oo sida ay sheegeen halis ku jirta.

Shirka ayaa ku soo dhammaaday in kooxdu ay xaaladda socota la fal gasho isla markaana bilowdo qorshe lagu badbaadinayo dalka. Madaxweynihii hore Xasan Sheekh oo hore marar badan ugu baaqay in waqti la siiyo madaxweynaha cusub, la iskana ilaaliyo khilaaf siyaasadeed ayaa hadda u muuqda inuu bedelay mowqifkiisii.

Kooxdda Qabyo ee Xasan Shiikh hogaamiyo ayaa la sheegay iney magaaladda Ankara kaga arinsadeen go’aanka Emirate-ka ee arinta is badalka madaxtinimada, waxaa la sheegay iney ku kala qeybsameen fikirka Emirate-ka laakiin waxaa warar hoose sheegayaan iney isku raaceen in mucaaradnimadooda ay xoojiyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com