Maxay ahaayeen Afartii nin ee hubeysanaa oo ay Maanta Ciidamada Xasilinta ku qabteen Muqdisho?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamada Xasilinta ee Magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku dhigay Afar Qof oo hubeysan,kuwaas oo sheegay in ay ka tirsanyihiin Milatariga Soomaaliya.

Afarta Qof ee la qabtay ayaa sheegay in ay ka midyihiin Milatariga Soomaaliya,waxaana xilliga la qabanayay ay wateen Dharka Rayidka.

Howlgalka ayaa ka dhacay Xaafadda Seybiyaano ee Degmada Hodon Magaalada Muqdisho,waxaana la xaqiijiyay in Ciidamad Xasilinta ay afarta Nin ka qaateen Afar Qori oo nooca Kuuriyaanka loo yaqaanna watay.

Markii la qabtay afartaasi nin ayaa waxa ay sheegteen inay ka tirsan yihiin ciidamada Militariga Somaliya, mana aysan wadan wax aqoonsi ah, sidoo kalena ma aysan wadan darees ciidan.

Dadka degaanka ayaa sheegay in afartan nin ay ka soo tooseen guri ku yaallo xaafada Saybiyaan, halkaasi oo xalay ay ku hooydeen.

Wararka waxa ay sheegayaan in ciidamada xasilinta afartaasi nin ay u kaxeeyeen xarumaha Baarista ciidanka ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho si baaritaan loogu sameeyo, loona hubiyo waxa ay yihiin.

Shalay ayeey aheyd markii laba askari oo ciidamada NISA ka tirsan lagu dilay Isgoyska Sanca ee Degmada Kaaraan, waxaana dilkooda gaystay ciidamo kale.

Dhinaca kale Xaafadda Jaamacadaha ee Degmada Hodon ayaa iyana la sheegayaa in xalay Koox Baskoolado ku hubeysan ay ka afduubteen Askari ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo Ciidamada dowladda ee Jowhar ka mid ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com