Cali Gacal shalay miyuu saxnaa mise maanta? Daawo laba hadal oo si weyn loola yaabay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudg Cali Gacal Casir ayaa ku hadlay laba hadal oo aad loo yaabay oo ku saabsan wadahadalka u socdo Maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna Wal-jameeca.

Guddoomiye Casir ayaa Shalay sheegay in shirka ka dhacay Nairobi iyo kan ka furmayo Jabuuti labaduba ay yihiin Siminaar la qabtay oo aysan kasoo bixi doonin wax natiijo ah.

Sidoo kale wuxuu sheegay in wixii kasoo baxo aysan aqoonsan doonin isla markaasna aysan Galmudug khuseyn.

Halkaan hoose ka daawo hadalkaas

Midda lala yaabay ayaa haddana noqotay inuu Maanta sheegay inay madaxdaas matalaan Maamulka Galmudug isla markaasna ay dowladda dhexe heshiisiisay oo ay gacanta isku gelisay madaxdii is khilaafsanaa ee Galmudug.

Wuxuu sheegay in natiijada kasoo baxdo shirkaas ay wax fiican u noqon doonto Galmudug isla markaasna uu taageersan yahay.

Halkaan hoose ka daawo hadalkaas.

Haddaba waxaa is waydiin mudan Casir Shalay miyuu saxnaa Mise Maanta? maxeyse tahay sababta keentay isbadalkaan laba maalin ee isku xigta ah?.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com