Faransiiska oo inqilaabaya maskaxda Sacad Hariri iyo Emmanuel oo durba u yeeray Hariri

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxwaynaha Faransiiska ,Emmanuel Macron,ayaa ku casuumay rai’sul wasaaraha Lubnaan, Sacad Hariri,iyo qoysiiska in ay yimaadaan Faransiiska.

Hasa yeeshee Mr Macron ayaa sheegay in uusan siinayn mr Xariiri musaafuris siyaasadeed.

Xasarada Lubnaan ka taagan ayaa waxa huriyay iscasilaadii la yaabka lahayd ee 11 maalmood ka hor uu Mr Xariiri kaga dhawaqay magaaladda Riyadh.

Saraakiisha faransiiska ayaa sheegay in ay filayaan in Mr Xariri uu yimaado maalmaha soo socda.

Casuumaada ayaa timid xilli uu wasiirka arrimaha dibadda Faransiiska, Yves le Drian,uu booqasho ku joogo dalka Sacuudiga.

Mar sii horreysay madaxwaynaha Lubnaan, Michel Aoun, ayaa ku eedeeyay Sacuudiga in ay xireen Mr Xariri.

Balse Mr Xariri ayaa ku celceliyay in uu bad qabo oo uuu xor yahay.

BBC

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com