Jubbaland TV: Wariyayaal shaqada looga eryey comment ay ka bixiyeen Facebook

Kismaayo (Caasimadda Online) – labo Wariye oo ka tirsan Jubaland TV Xaruntiisa Magaalada Kismaayo ayaa shaqada looga eryey kadib markii ay Comment ka bixiyeen qoraal la soo geliyey Facebook.

Labada Wariye ee shaqada laga eryey ayaa lagu kala Magacaabaa Sahro Bishaar Cabdiraxmaan iyo Foos Cali Cabdiraxmaan waxaana sida ku cad qoraalada hoose la arkayaa ni Lagu magacaabo Liban Cabdi oo Reer Kismaayo ah haatana ku sugan Dalka Malaysia oo u muuqda inuu Mucaarad ku yahay Maamulka Madaxweyne Axmed Madoobe uu soo qoray In helay xog ah in qofkii Reer Kismaayo ah ee qoraaladiisa Comment, Share iyo Like Saara In NS ay soo xiri doonto.

Qoraalkaasi kadib ayaa dad kala duwan oo ay ku jiraan Labada Wariye ay ka soo bixyeen Comment Laakiin Gabadha la yiraa Sahro Bishaar waxa ay tirtay Comment ay soo dhigtay lkn ilaa hadda Foos Cali weli ma tirin wixii ay qortay

Foos Cali Comment ay ka bixisay kadib waxaa isna hal Dhibic soo dhigay Agaasimaha TV Jubaland taasoo loo fasiran karo inuu u digayo Foos Cali oo isagu madax u yahay.

Qoraalkan Sababay in shaqada laga eryo Labada Wariye ayaa la soo Post gareeyey 29 Oct. 2017 Laakiin Agaasime Ku xigeenka Warbaahinta Jubaland Jaamac Axmed Cali Joofane ayaa 04 Nov 2017 soo saaray Warqad uu shaqada kaga joojiyey Labada Wariye ee ka hawl galayey Jubaland TV.

.

Arrintaan ayaa yaab ku noqotay dadweynaha iyo Wariyaasha deegaanada Maamulka Jubbaland, waxayna Agaasimaha Warbaahinta Jubbland iyo ku xigeenkiisa ku eedeeyeen inay ku takri falayaan awoodda dowladeed isla markaasna ay dano iyaga u gaar ah ku fushanayaan.

Agaasimaha TV-ga Jubbalanad Yuusuf Xasan Caddaani ayaa horey uga hor imaaday amarada Wasiirada Warfaafinta Maamulkaas, wuxuuna sheegay inaysan Wasaaradda Warfaafinta shaqo ku laheyn maamulka Idaacadda iyo TV-ga Dowladda.

Xogta ay heleyso Caasimadda Online ayaa sheegeyso in Wasiirka Warfaafinta iyo Wasiiro kale ay dacwad ka dhan ah Agaasimaha u gudbin rabaan Madaxweynaha Jubblanad Axmed Madoobe, waxayna qoreen waraaq xilka loogaa qaadayo kadib markii uu isticmaalay awood uusan sharciga u baneyn.

Wixii warar ah ee kusoo kordha arrintaan waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com