Maxaa ka jira inay golaha wasiirada ku shirayaan magaalada Baydhabo?

Baydhabo (Caasimadda Online) – Warbaahinta qaar ee Soomaalida ayaa faafiyey inay Golaha Wasiirada Maanta ku shirayaan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed.

Haddaba Shabakadda Caasimadda Online ayaa heshay xogta rasmi ah ee ku saabsan waxa ka jiro Arrintaas.

Shirka Golaha Wasiirada ayaan ka dhici doonin magaalada Baydhabo, wuxuuna hadda Shirkii Khamiislaha ahaa Golaha Wasiirada uga socdaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Shirkaan hadda socdo ayaa looga hadlayaa arrimo xasaasi ah oo ku saabsan Siyaasadda Soomaaliya iyo is casilaadii Wasiirkii gargaarka Dr. Maryan.

Markuu shirkaas dhamaado ayaa waxaa la filayaai inuu Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre u dhoofo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed.

Qaban qaabo lagu soo dhoweynayo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka socota magaalada Baydhabo, iyadoo la sheegay in ammaanka si aad ah loo adkeeyay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka qeyb gelaya sanad-guuradii 3aad ee aas aaska Maamulka Koofur Galbeed, taasoo maalinta berri ka dhici doonta magaalada Baydhabo,  Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa furi doona mashaariic laga hirgeli doono magaalada Baydhabo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com