Is-casilaaddii Maryam Qaasim kadib, Kheyre ma horseedi doonaa burburka xukuumaddiisa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed ayaa maanta noqotay wasiirkii ugu horreeyey ee u dulqadan weysa ficillada ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ee is-casisha.

Maryam Qaasim ayaa sheegtay inay isku casishay isku dhex yaac ka jira dowladda dhexdeeda, inkasta oo aysan shaacin waxa uu yahay. Halkan ka aqri.

Si kastaba, Caasimada Online ayaa ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen in Kheyre uu guddiyo isaga ka amar qaata oo maamula gargaarka u magacaabaty wasaaradda, taasi oo Maryam ka careysiisay una fahamtay inaan shaqadeeda lagu ixtiraamin.

Arrintan ayaa ah dhibaato soo socotay tan iyo markii Kheyre la magacaabay, waxaana jiray wasiiro badan oo Kheyre uu ka hoos magacaabay guddiyo iyo qaar ka carrooday inuu sida ciyaal iskuul oo kale shaqadooda uga hubiyo.

Saddexdii bishii August, shirkii golaha wasiirada ee xukuumadda ayaa ku dhammaaday buuq, kadib markii ay is-qabsadeen ra’iisul wasaaraha iyo qaar ka mid ah wasiiradiisa, oo ka carrooday guddiyo uu magacaabay, sida ay Caasimada Online xilligaas shaacisay. Halkan ka aqri.

Wasiiro badan ayaa Kheyre u arkay qof isla weyn oo faro-gelin badan, oo shaqadooda aan ku ixtiraamin. Waxaa mararka qaar dhacday in Kheyre si lama filaan ah ku tago wasaaradaha oo uu wasiirada ku amray inay banaanka soo dhigaan dokumentiyada shaqada, taasi oo wasiiro badan ka carreysiisay.

In kasta oo isla xisaatanka ay wasiiro badan diyaar u yihiin, haddana ficillada Kheyre ayaa loo arkaa kuwa xeerka dowladeed ka baxsan, oo xitaa mararka qaar wasiirada ay u arkaan inuu ula dhaqmayo sida ilmaha iskuulka oo kale, sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online.

Si kastaba, is-casilaadda Maryam Qaasim ayaa dhaawac xooggan gaarsiin karta Kheyre, waxayna horseedi kartaa wasiiro kale oo is-casila ama inuu abuurmo isbaheysi wasiiro ah oo isaga ka dhan ah, kuna sameeya kacdoon.

Maryam Qaasim oo ah qof muxtaram ah, islamarkaana shaqadeeda gudata, kana mid ah wasiirada ay sida aadka ah Soomaalida ugu kalsoon yihiin una aaminsan yihiin, ayaa is-casilaaddeeda ay farta ku godi karta Kheyre, loona arki karo nin dhibaato ku ah shaqada dowladda.

Haddii wasiiro kale ay raacaan waddada Maryam Qaasim, isna casilaan, sida laga cabsi qabo, waxay tani hoggaamin kartaa burburka xukuumadda iyo in Kheyre xilkiisa ku waayo ficilladiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com