Kheyre oo faro-geliyey mooshinka Shariif Xasan kuna amray Shariifka in…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa xal hordhac ah ka gaaray khilaaf siyaasadeedka Xildhibaanada Koonfur Galbeed kala dhexeeya Hogaamiyaha maamulka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Kheyre ayaa inta uu ku sugnaa magaalada Baraawe si hordhac ah u kulmiyay Hogaamiyaha maamulka iyo tirro Xildhibaano ah, waxaana la xaqiijiyay in wadahadalka dhiman uu ku dhameystiri doono magaalada Muqdisho.

Kheyre waxa uu Shariif Xasan u sheegay in xiisada kala dhexeysa Xildhibaanada u adeegsado maskax si xal loogu helo khilaafka iminka taagan.

Kheyre ayaa sidoo kale Shariif Xasan ku xiray Xildhibaano dhowr ah oo uu sheegay inay qeyb ka noqon doonaan garabka xalka u raadin doona Mooshinka laga gudbiyay Shariif.

Sidoo kale, Kheyre waxa uu Shariif Xasan ku amray inuu shuruuda ka daayo mushaarka Xildhibaanada, sida uu xaqiijiyay mid kamid ah Xildhibaanada ku sugnaa kulanka oo isagu markii hore kasoo horjeeday Shariif Xasan.

Dhinaca kale, faragalinta ay Xukuumada Somalia ku sameysay khilaaf Siyaasadeedka Shariif Xasan kala dhexeeya Xildhibaanada maamulkiisa ayaa u muuqda mid maslaxad ugu jirta madaxda dowlada Federaalka oo iyagu ku tiirsan maamul Goboleedyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com