Finland oo qaadatay go’aan walaaciyey Somalida

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Finland ayaa soo saartay go’aan walaac gaar ah ku abuuray Qaxootiga Soomaalida ah ee dalkaasi ku nool.

Dowlada ayaa ku dhawaaqday inay lacag dhimis ku sameyneyso lacagihii ceyrta ahaa oo Soomaali badan ay ku noolaan jirtay.

Idaacadda Yle oo ku hadasha afka Dowladaasi ayaa shaacisay in Dowladu ay jartay 10% dhaqaalihii ay ugu yaboohi jirtay Qaxootiga, taasi oo ay sabab uga dhigtay culeys gaar ah oo soo foodsaartay.

Jirma Kuuluveinen oo ah Sarkaal ka tirsan Dowlada ayaa shaaciyay in Dowladu ay dhimis ku sameyneyso lacagaha Ceyrta, waxa uuna sheegay in lacagaha usoo hari doono ay Qaxootiga ka kaafin doonto adeegyada gaarka ah.

Waxa uu sheegay in qoysaska ay iminka siiyeen magangalyada ay heli doonaan dhaqaale uu ku sheegay 1,140 Euro bishiiba, iyadoo Kharajkaasi aanu dabooli karin baahida, iyadoo ay qiimaha nolosha ee dalkaasi sare u kacday.

Go’aanka ay Finland ku dhimeyso lacagahaasi ayaa waxa uu walaac gaar ah ku riday Qaxootiga Soomaalida ee dalkaasi ku sugan, bacdamaa lacag dhimistaasi la sameeyay xili ay ka cabanaayen lacagaha lasiiyo oo aan kaafin.

Dhanka kale, Sannadkii hore, dalka Finland waxaa iska dhiibay 3,651 Qaxooti Magangelyo-doon ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com