Xog: Wasiirada cusub ee Galmudug oo la filayo

Cadaado (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Magaalada Cadaado ee xarunta KMG Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka C/kariin Xusein Gulleed la filaayo inuu maanta magacaabo Golihiisa wasiirada Maamulka.

Madaxweynaha ayaa la sheegayaa inuu diyaariyay Liiska Golaha Wasiirada oo ay ka buuxaan Xubno farabadan oo ka tirsan Maamuulka Ahlusunna Wal-jameeca.

Sidoo kale, liiska ayaa waxaa ku jiro Siyaasiyiin da’ yar oo laga soo xulay Madaxtooyada Somalia kuwaasi oo Siyaasad ahaan aaminsan mabda’a mideeyay Madaxweyne Xassan iyo C/kariin Gulleed.

Xildhibaan ka tirsan Maamulka ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Gulleed uu soo idleeyay xulistiisa, waxa uuna Mudanaha sheegay in maanta ay u badnaan doonto in la magacaabo Xukuumada Galmudug.

Waxa uu Xildhibaanka intaa kusii daray in Madaxtooyada iyo Xildhibaanaduba ay isla garteen Xubnaha loo magacaabi doono Xukuumada.

Geesta kale, Liiska Xukuumada la filaayo in maanta la magacaabi doono ayaa waxaa kasoo horjeeda Xubno kale oo ka tirsan Maamulka Ahlusunna Wal-jameeca.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com