Dowlada Imaaraadka oo caddeysatay burburinta qaranimada Soomaaliya

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Waxaa dhawaalahan danbe ku sugnaa magaalada Abu Dhabi ee dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta qaar ka mid ah Siyaasiyiintii hore. Qabanqaabada shirkan oo aay lahaayeen Shariif Hassan Sheekh Aadan, Cabdiwali Gaas, Cumar Cabdirashid iyo Cabdiraxman Cabdishakur  ayaa looga  hadlayay sidii loo afganbi lahaa dowladda Madaxweyne Farmaajo.

Kulankan oo ay isugu yimaadeen  sadax Siyaasi oo kala ah; Hassan Shiikh Maxamuud; Sharif Xassan Shiikh Adan oo uu wakiil ka yahay walaalkiis Madeer, iyo Cumar Cabdirashiid  oo wato saaxiibkiis Cabdirahman Cabdisahkuur.  Madaama Shariif Xassan ku maqan yahay Kismaayo.

Siyaasiyiintaan ayaa degan Hotal ku yaalo bartamaha Magaalada Abu Dhabi. Kulankaan oo ah mid kulmiyay dhamaan musharaxiintii  ku guul daraysaty doorashidii sanadkaan horaantiisa ka dhacday Soomaaliya. Siyaasiyiintaan  ayaa ka shiraayo qaabkii ay kurisaga  uga tuuran lahaayeen Madaxweyne Farmaajo.

Siyaasiintaan ayaa waxaa ay dowladda Imaaraadka ku xujaysay in ay marka hore ayagu ku  heshiiyaan in ay yeeshaan hogaan midaysan isla markaana soo badhigaan musharaxiintooda. Dad badan ayaa rumaysan in Dowladda Imaaradka ay u muuqato mid ay  go’an tahay in ay dhibka Soomaaliya ku sii hayato. Afar shaqsi  oo shacabka Soomaliyeed dareen xun ka qabaan in shir u qabato waxaa ay u mujinaysaa in ayan wali wax ka baran  taariikhdooda madoow ee Soomaaliya. Afartaan shaqsi ayaa ayaga oo awood dalka gacanta ku haysta awoodi waayay in la doorto, maxaay qaban karaan iyada oo ay Soomaali dhan ka soo horjeedo.

Madaama siyaasiyiintaan yihiin kuwo horay  lagu eedayay qayaano Qaran ha noqo iibintii badda Soomaaliya iyo ku takrifalka hanti qaran ayaa horay u waayay kuraastooda. Mana ah kuwa looga fadhiyo in  Soomaali dib u soo dooratao.  Waxaase iswaydiin leh maxaa ka khaldan siyaasadda dowladda Imaaradka ee ku aadan Soomaaliya? Markastaaba waxaa ay ku dhacaan qalad siyaasisadeed oo karaamooda dilo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com