Dhageyso: Fannaanka Aar Maanta oo weerar ku qaaday DF kadib markii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Fanaanka Soomaaliyeed, Hassan Nuur Sayid, oo loo yaqaano Aar Maanta, ayaa markii ugu horeysay weerar afka ah ku qaaday dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Fannaanka Aar Maanta ayaa weerarkiisa dowlada yimid kadib markii uu sheegay in DFS ay si cad uga gaabisay fududeynta in Mareykanka uu Soomaalida ka qaado xayiraadaha uu ku soo rogay.

Aar Maanta waxa uu sheegay in daciifnimada heysta Somalia ay keentay in lagula dhaqmo cunsuriyad waxa uuna cadeeyay in dib u dhac uu ku imaaday bandhig faneed uu ku qaban lahaa Gobolka Minnesota.

Aar Maanta, ayaa tilmaamay in dowlada Mareykanka ay fasaxday Fannaaniin cadaan ah oo isaga kala tirsanaa Fanka balse isaga laga hor istaagay helida fiisaha dal ku galka.

Kooxdiisa ”the Urban Nomads” ayaa la filayay in todobaadkan ay bandhig faneedyo toos ah iyo siminaaro ay kaga qeyb galaan gobolka Minnesota. Laakiin, waxaas oo dhan waa la baajiyay ka dib markii fanaanka ay ka soo daahday Fiisihii uu Mareykanka ku soo gali lahaa.

Kooxdan oo ka kooban 5 qof oo Aar oo kaliya uu Soomaali iyo Muslimba ka yahay ayey afartii kale heleen fiisayaashoodii, laakiin isaga laga heystay muddo badan. taana ay keentay inay baajiyaan safarkoodii maadaama uu Aar Maanta yahay hogaamiyaha kooxda.

Aar Maanta, ayaa talaabadaasi ku macneeyay in ay ka dhalatay isagoo Soomaali ah misena haysta Diinta Islaamka, maadaama xubnaha kale ee kooxdiisa aanay Muslimiin ahayn.

Fannaanka wuxuu dhaliilay wafdigii Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre ee bishii September booqashada ku tagey dalka Mareykanka inaysan Xukuumadda Washington kala hadlin xayiraadaha ka dhanka ah Soomaalida.

Dowlada Somalia ayuu sheegay inaanu u muuqan mid mar waliba u taagan daweynta dhibaatooyinka muwaadiniinteeda looga hayo adduunka intiisa kale.

Waxa uu sidoo kale Fannaanka cadeeyay in bahdilka lagu hayo Soomaalida ay qeyb ka tahay dadaal la’aanta dowlada Somalia oo uu tilmaamay inaan waxba ka qaban waxyaabaha dhiba Soomaalida.

Aar Maanta, waxa uu tusaale usoo qaatay in dalka Sudan oo horey loogu soo daray liiska dalalka xayiraadaha lagu soo rogay, dib looga saaray liiskaasi, ka dib markii ay Dowladda Sudan ka hadashay.