Waa maxay qorshaha shirka Kismaayo ee xulufada Sacuudiga?

Madaxda Maamul-gobaleedyadda ee taageersan Isbahaysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa la filayaa inuu maanta uga furmo magaalladda Kismaayo oo ah Xarunta KMG ee Maamul-gobaleedka Jubbaland.

Madaxda Puntland, Galmudug iyo K/Galbeed ayaana safka hore kaga jira Maamuladda la sheego inay Dowladda Imaaraadka Carabta ka soo heleen Kharaj Siyaasadeed si ay uga soo hor jeestaan Go’aankii DFS ee ay Dhexdhexaadka uga noqotay Khilaafka u dhexeeya Isbahaysiga Sacuudiga iyo Dowladda Qatar.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” oo aan ka mid ahayn Madaxda taageertay Isbahaysiga Sacuudiga ama Dowladda Qatar ayaana gogosha u dhigay Madaxda Puntland, Galmudug iyo K/Galbeed

Axmed Madoobe oo Masraxa Siyaasadda ku soo biiray markii uu ka soo xargo goostay Kooxdii Xisbul-islaam ayaa u muuqda Hoggaamiye Dantiisa Yaqaan ah, isla markaana la jaan-qaada Hoggaamiyayaasha uu u arko inay isku Aragti iyo Isku Dan yihiin, marmarka qaarkooda hayin raaca u noqda Awr-ku-kacsiga Beeleed iyo midka Deegaameed.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inuu Kulanka Kismaayo yahay mid laga dheehan karo sida ay u kala didsan yihiin Madaxda DFS iyo Madaxda Maamul-gobaleedyada ku shirayo Kismaayo, wuxuuna Kulanka Kismaayo u muuqda mid dhabar-jab ku noqon kara Mowqifka DFS ee ay dhexdhexaadka uga noqotay Khilaafka Khaliijka.

Madaxweyneyaasha Puntland, Galmduug iyo K/Galbeed ayaana u muuqda inay ku rafiiqeen Taageerida Isbahaysiga Sacuudiga, waxaana carcartooda laga dareemi karaa sida ay daacadda ugu yihiin Isbahaysigaasi.

Laakiinse, DFS oo weli ku dhegan Go’aankii Dhexdhexaadka, waxaa saameeyey Cuf-is-jiidadka ka dhashay Khilaafka Siyaasadda ee Khaliijka iyo Duufaan Siyaasadeed Madaxda Maamul-gobaleedyada ee ay ku kala irdhoobeen Aragti ahaan.

Waxaana hubaal ah Natiijo kasta oo lagu gaaro Shirka Kismaayo inuu mar kale saamayn ku yeelanayo Xiisadda iyo Khilaafka u dhexeeya DFS iyo Maamul-gobaleedyada.

Xubno ka tirsan DFS ayaa xusul-duub u galay inay hakiyaan Shirka Kismaayo  iyo inay kala furfuraan Madaxda Maamul-gobaleedyadda, balse, ma muuqato wax horumar oo laga gaaray Isku-daygooda.

Madaxweyne Xaaf waxa uu dhowr jeer ku eedeeyey DFS inay qeyb ka tahay Deganaansha La’aanta Siyaasadda iyo Kacdoonka ka dhex bilowday Maamulka Galmudug oo u muuqda mid ku kala qeybsan Go’aankii uu Madaxweyne Xaaf ku taageeray Isbahaysiga Sacuudiga.

Marka doc kasta laga eego Isbahaysiga Maamul-gobaleedyadda waxaa loo arkaa Mashaqo Cusub oo saamayn Qaran leh, waaba haddii laga badbaado Mu’aamarada Shirka Kismaayo.