27.8 C
Mogadishu
Monday, June 8, 2026

Dowlada FS oo joojisay dhammaan diyaaradaha Qaadka ee ka dagi jiray magaalada Jowhar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Amar kasoo baxay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ayaa lagu joojiyay Diyaarad Qaadka geyn jiray magaalada Jowhar.

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Diiriye Khaliif iyo xubno la socday ayaa kulan la qaatay ganacsatada Qaadka soo degsata si ay u hubiyaan dhaqangalka go’aanadaasi, oo ujeedkiisu ahaa xalka gaarista murano iyo khilaaf ka dhex jira.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamed Diiriye Khaliif oo la hadlay saxaafada ayaa yiri ”Waxaan maanta u imaanay halkani in aan u kuurgalno Digreeto ay soo saartay Wasaaradda ayna ogyihiin Wasaaradaha Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maaliyadda, iyo ciidamada Booliska qeybta qaabilsan Canshuuraha”

”Taasi oo ahayd in aan wax ka bedelnay qaabkii uu ku imaan jiray qaadka anagoo go’aansanay in Muqdisho iyo Shabeelooyinka ay yimaadaan 14 Tan maanta ayuuna dhaqan galay”

”Waxaan mahad u jeedineynaa ganacsatadii amarkaasi qaadatay ee ilaalisay hanaanka ganacsi ee dalka” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Ganacasiga iyo Warshadaha.

Sidoo kale, Wasiir ku-xigeenka ayaa tilmaamay in Diyaaradii Qaadka gayn jirtay magaalada Jowhar la joojiyay islamarkaana Muqdisho uu ku soo degaayo.

Waxa uu cadeeyay in go’aankaasi uu imaaday kadib wadatashiyo lala yeeshey ganacsatada Qaadka taa oo la isku waafaqay in qoondo loo sameeyo.

Go’aankaan ayaa waxaan weli ka hadal Ganacsatada Soomaaliyeed ee qaadka soo dajisay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News