Maxaa laga filayaa maanta doorashada madaxweynaha cusub ee HirShabelle?

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta oo sabti ah ay magaalada Jowhar ka dhacdo doorashada Hogaamiyaha cusub ee maamulka HirShabelle.

Guddiga Doorashada Hogaamiyaha Hirshabeelle ayaa sheegay inaanu dhici doonin dib u dhac mar kale ku imaada doorashada HirShabelle.

C/wali Sheekh Cali oo ah Afhayeenka Guddiga Doorashada Hogaamiyaha Hirshabeelle, ayaa sheegay in dhammaan dhinacyada ay khuseysay doorashada ay ku diyaarsan yihiin magaalada Jowhar.

Waxa uu sheegay in doorashada ay bilaabaneyso waqtiga hore ee maanta oo sabti ah, waxa uuna meesha ka saaray inuu dhaco dib u dhac kale.

”Howsho wey dhantahay waxaan xaqiijinayaa inaanu jirin howl ku saabsan doorashada oo noo harsan keliya waxaan fileynaa in maanta ay dhacdo doorashada”

Afhayeenka wuxuu sheegay doorashada in ay kor kala socon doonaan mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo xubanaha Beesha Caalamka, si uusan musuq maasuq u dhicina ay diyaariyeen aalado casri ah oo Doorashada lagula socon doono.

Xildhibaanada baarlamaanka ayuu ugu baaqay inay ilaaliyaan wakhtiga doorashada si aanu u dhicin dib u dhac ku imaada xiliga lagu xaroonaayay hoolka doorashada.

Dhinaca kale, waxaa aad loo adkeeyay ammaanka magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana sugidda amniga iska kaashanaya Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa AMIOSM, si uusan u dhicin falal ka baxsan amniga inta lagu guda jiro Doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com