Dowlada oo qorsheeneysa inay maxkamadeyntii CC SHAKUUR dib u billowdo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wado qorsho culus oo ay uga hor tageyso Siyaasiga sida weyn u mucaaradsan ee Cabdiraxaman Cabdishakuur Warsame.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay inuu 10 Bishaan oo ku beegan Maalinta Isniinta ah uu imaan doono Magaalada Muqdisho isla markaasna waxaa jiro olole weyn oo la doonayo in lagu soo dhaweeyo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaadatay go’aan culus oo ku aadan in dib loo furo dacwadii Cabdiraxaman Cabdishakuur oo ay maxkamadda Gobolka Banaadir sheegtay inuusan wax dambi ah laheyn.

Dowladda ayaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku eedeysay inuu waday olole lagu doonayo in lagu burburiyo dowladnimada Soomaaliya  isla markaasna uu u shaqeenayey Dowlado shisheeye.

Wararka qaar oo aan lagu kalsooneyn ayaa sheegayo inuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur dib u dhigi doono safarkii uu ku imaan lahaa Muqdisho inkastoo ay weli socdaan Farriimihii laga sii deynayey qaar ka tirsan Idaacadaha Muqdisho kuwaas oo dadka loogu sheegayey in Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir uu Muqdisho imaan doono 10 Bishaan.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sanad ka hor gurigiisa ku weeraray Cabdiraxmaan Cabdishakuur kadib markii ay dowladda sheegtay in lagu heysto eedeymo qaranka dumis ah.

Cabdiraxaman ayaa Sanadkii ugu dambeeyey debad joog ahaa wuxuuna shirar kala duwan shacabka Soomaalida kula qaadaneyey wadamo ka tirsan Yurub, Canada iyo Mareykanka.

Cabdiraxmaan ayaa ah siyaasi hammi weyn ka leh inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna si weyn uga soo horjeedaa siyaasadda ay Dowladda Soomaaliya ku maamusho dalka wuxuuna inta badan soo gudbiyaa waxyaabo uu ku mucaaradayo Dowladda .

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com