Dowladad oo bilowday fulinta shuruudihii A/Madoobe iyo mas’uuliyiin loo yeeray

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u billowday fulinta shuruudihii uu Madaxeynaha Jubbaland hordhigay furitaanka shirka wada-tashiga ee Muqdisho, kaas oo looga hadlayo xaaladda dalka iyo doorashada 2020/2021.

Axmed Madoobe ayaa shuruudihii uu soo bandhigay waxaa ka mid ahaa in dib loo soo celiyo ciidamada dowladda ee la geeyey gobolka Gedo, waxaana iyada oo taas laga duulayo ay keentay in dowladda dhexe ay u yeerto mas’uuliyiinta heer gobol iyo heer degmo ee gobolkaasi, gaar ahaan xubnihii la magacaabay, kadib markii ciidamada maamulka Jubbaland laga saaray degmooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in maanta oo Axad ah ay Muqdisho soo gaari doonaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo iyo degmooyinka gobolkaas, si marka hore looga wada hadlo in la soo daad gureeyo ciidankii la geeyey gobolkaasi bilihii la soo dhaafay.

Sidoo kale qaar ka mid ah xubnaha ku soo wajahan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in loo yeeray, islamarkaana ay maanta imaanayaan gudaha caasimada.

Arrintan waxa ay ku timid, kadib markii qorshahaasi uu si weyn Axmed Madoobe ugu taageeray Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Deni, waxayna sababtay in shirku uu dib u dhoco, sababo la xiriira is mari-waaga u dhexeeyey dhinacyadaasi.

Waxa kaloo jirta in dowladda federaalka ay aqbashay in shirka ay ku soo biiraan madaxda maamullada HirShabelle, Galmudug iyo K/ Galbeed, taas oo iyana ka mid ah shuruudaha ay miiska soo saareen hoggaamiyeyaasha Axmed Madoobe iyo Siciid Deni.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa u muuuqata mid sii fur-furmeysa, waxaana la filayaa in shirka Muqdisho lagu soo waaro war-murtiyeed mideysan oo ku aadan sida loo wajahayo marxalada kala guurka ah, looguna diyaar garoobayo doorashada soo socota 2020/2021-ka.