Dagaal khasaare geysaay oo ka dhacay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay isk hor imaad xalay ka dhacay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Iska hor imaadka ayaa yimid, kadib markii ay is-rasaaseeyeen koox la sheegay in miino ku aasayeen wado dhex-marta Suuq Bacaad iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in la toogtay mid ka mid ah raggii aasayey miinada, halka ay baxsadeen labo kale, sida uu xaqiijiyey Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Yaaqshiid Cabdullaahi Yuusuf Maxamed Shiilow oo la hadlay Idaacadda Mustaqbal.

Shiilow ayaa sheegay in ciidamadu ay heleen xogta raggaasi, kadibna ay qaadeen howl-gal qorsheysan oo ay uga hortageen falkaasi.

“Ciidamada ammaanka waxa ay heleen xog sirdoon oo ah in Miino la gelinayo wado suuq bacaad katirsan oo ay si gaar ah u isticmaalaan madaxda Degmada, durba waa ay ka jawaabeen, markii ay meesha tageen waxa ay israsaaseyn kala kulmeen kooxda miina dhigeysay oo qof laga dilay, halka ay baxsadeen labo kale oo lagu daba-joogo,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka degmada Yaaqshiid.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inar wadaan baaritaano dheeraad ah oo lagu suganayo amniga guud ee degmadaasi.

Muqdisho ayaa waxaa ku soo badanayey muddooyinkii la soo dhafaay weerarada qaraxyada ah, waxaana kii ugu dambeeyey uu xalay ka dhacay agagaarka isgoyska sayidka ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare u badan dhaawac.