Dowladda: Barakacayaasha waa laga rarayaa magaalada Muqdisho

Muqidisho (Caasimada Online) Dowladda Somalia ayaa maanta oo Sabti ah sheegtay in barakacayaasha ku nool Muqdisho laga rari doono isla markaana la gayn doono goob ammaan ah.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga xukuumadda Soomaaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa maanta kulan looga hadlaayay arrimahaas waxa uu kala hadlay wakiilo ka oscday hey’addaha gargaarka

Kulanka ayaa sidoo kale waxa ka qaybgalay guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” iyo xubno ka tirsan dowladda.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga ayaa markii uu kulanka soo dhammaaday waxa uu la hadlay saxaafadda wuxuuna sheegay in kulanka looga hadlay siddii loo oggaan lahaa xaaladda barakacayaasha ku nool Muqdisho, gaar ahaan dadkii soo barakacay sannadkii 2010-ka illaa 2011-ka.

Wasiirka Cabdikariim ayaa sidoo kale sheegay in kulanka dhinacyada ka qaybgalay ay isku raaceen siddii loo sameen lahaa guddi farsamo oo ka kooban dowladda Soomaaliya iyo hey’addaha gargaarka.

Sidoo kale waxa looga hadlay kulanka siddii loo tirakoobi lahaa tirada dadka barakacayaasha ee ku nool Muqdisho iyo la dajiyo goobo ammaan ah.

Waxaa kaloo xubnaha kulanka ka qaybgalay ay isku raaceen in la dajiyo dadka barakacayaasha goob ammaan ah isla markaana ka baxsan caasimada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa hadda waxa ku nool barakacayaal badan kuwaasi oo ka soo cararay gobalada dalka markii wixii ay heesteen meerteen abaaro iyo colaado dabadheeraaday.

Qaar kooxd ku dhawaad 21-sano ayaa barakac waxa ay ku ahaayeen gudaha dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho