Muqdisho: Ra’iisul Wasaare Saacid oo arimo badan ka hadlay

Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arimo badan oo ay ku jiraan dilalka loo geysto wariyaasha magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Saacid ayaa ugu horeyn ka hadlay dilkii loo geystay wariye Cabdixareed Cismaan Aadan isagoo sheegay in xukuumadiisa aad ay kaga xun tahay dilalka loo geysanayo wariyaasha Soomaaliyeed gaar ahaan kuwo ku sugan magaalada.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamada dowlada Soomaaliya ay wadaan baaritaano ku aadan ciddii ka dambeysay dilka wariya iyo dadka dhibaatada ku haya wariyaasha Soomaaliyeed sida uu sheegay maanta oo Sabti ah,wuxuuna tacsi u diray ehelada iyo asxaabtii uu ka geeriyooday wariyaha.

Dhanka kale wuxuu soo hadal qaaday xariga wariye Cabdi Casiis Cabdinuur Ibraahim Koronto,isagoo sheegay in ciidamada Booliska ay wadaan baaritaano ku aadan dambiga lagu soo oogay wariyaha.

Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay aqoonsiga dowlada Soomaaliya ay ka heshay dowlada Maraykanka wuxuuna sheegay inay ku timid dadaal dheeri ah oo ay galeen masuuliyiinta dowlada cusub ee dalka.Wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay sanado ka dib dowlada aqoonsiga ay heshay isagoo sheegay in iminka dowlada Soomaaliya ay la mid tahay wadamada adduunka.