Dowladda Britain oo ballan qaad u sameysay dalka Somalia

London (Caasimada Online) Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain William Hague oo shaley kula kulmay xafiiskiisa magaalada London ra’iisal wasaare ku-xgeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Fowzia Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegay in dowladda Ingiriiska ay xoojin doonto calaaqaadka dedaalka ay ugu jirto siddii Soomaaliya ay uga bixi lahayd dhibaatada muddada dheer heesatay.

Wasiirka ayaa sheegay in arrintaas ay tahay masuuliyad gaar ah oo saaran Britain oo xiriir taarikhi ah kala dhexeyo Soomaaliya.

Hadalkan ayaa shaley ka sheegay magaalada London wasiirka arrimaha dibedda UK William Hague kaddib markii uu kulan la qaatay  wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya.

Maxa kulanka labada masuul xoogga lagu saaray?

Kulanka labada wasiir ayaa xoogga lagu saaray xiriirka diplomaasi ee Britain iyo Soomaaliya iyo siddii loo xoojin lahaa.

Kulanka labada masuul ayaa kaddib waxa ay wadajir u qabteen shir jaraa’id oo ay ku faah-faahiyeen waxyaabihii ay ka wadahadleen su’aalana ay ku weydiiyeen saxaafadda.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa shirka jaraa’id ka sheegtay wax yaabaha ay ka wadahadleen dhiggeeda dalka UK.

“ Wuxuu ahaa wadahaddal aad u sareey aad u qiimo badan waxa uu ahaa mid aan ka wadahaddalnay wax wada qabsiga xagga nabadgalyada, ammaanka, xagga cilaaqaadka yaga, safaaradahii oo lafuri doono, ballan qaadyo badan yaa jira, waxan rajeenayaa in Soomaali ay guuleesato in ay meel wayn ka gaarto wadahaddalkaas maanta bilowday, shirka soo socda waxan rajeenayaa in uu isagana guul ku dhammaado,  waxa aan hadda ka wadahadalnay ka mid ah xilliga la fuaraayo safaaradaha iyo sida loo furi laha, in shaa allah dhawaan waa la furi doonaa safaaradaha oo horrey dhul ayaa laga siiyay iyaga annagana halkan yaan ka furan doonaa “

Waxa ay sheegtay Marwo Fowsiyo in dowladda Britan ay isku afgarteen Mr, Hague in dowladda Britain ay sii wado taageerada taageerada ay siineyso Soomaaliya iyo socdaal uu dhawaan dalka UK ku tagi doono madaxweynaha jamhuuriyadda fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Muxuu ka yiri William Hague shirka Jaraa’id?

Dhiniciisa wasiirka arrimaha dibedda Britain William Hague ayaa isna ka sheegay shirka jaraa’id in dowladda Britain ay dedaal xooggan u gashay wax-ka qabasahada arrimaha Soomaaliya sannadkii la soo dhaafay ee 2012-ka.

Wasiirka ayaa si gaar ah uga hadlay shirkii loo qabtay kooxaha Soomaalida ee London oo ay maalgalisay dowladda Britain iyo safarkii uu isaga qudhiisaku tagay magaalada Muqdisho bishii February ee sannadkii tagay, oo ahaa booqashadii ugu horreysay oo wasiir arrimo dibadeed ka socda Britain uu ku tago Muqdisho in ka badan 20-sano.

Mar uu ka hadlaayay qorshaha Britain ee Soomaaliya sannadkan cusub 2013-ka ayuu yiri “Waxan dooneynaa buu yiri in qof walba uu u ogaado in sannadka soo socda taageerada ay UK u fidineyso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed iyo xaqiijinta teegeerada beesha caalamka in ay noqon doonto kuwa waligood horrey loo arkin.

Ingiriiska arrimaha Soomaaliya il gaar ah ayuu ku hayaa!!!!!

Britain ayaa hadda u muuqata mid xoogga saareys arrimaha Soomaaliya, wixii ka dambeeyay farafalintii Libya ay ku sameeyeen sannadkii hore.

Waxa ay ka cabsi qabtaa in ay Soomaaliya noqoto meesha labaad oo ay ku tababartaan ama ku dhuuntaan kooxaha xiriirka la leh Al-Qaacida.

Ra’iisal waaraha Ingiriiska ayaa horrey Soomaaliya ugu yeeray dal guul-dareestay oo haliska ka jirta ay walwal xagga ammaanka ku heysay Britain.

Laakin waxa jira dad aragti taas ka duwan qaba oo leh waxa jirta dano iyo qorshooyin gaar ah oo Britain ay ka lee dahay Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibedda Ingiriiska William Hague ayaa sheegay in la qalabeen doono ciidamada dowladda Soomaaliya oo mushaar ahaan loo siiyo haddiiba loo helo bishii 100 dollar halka askariga AMISOM ee jooga Soomaaliya mushaarkiisa bishii uu ka badan yahay 1,000 dollar.

Wuxuu sheegay in Britain xil gaar ah uu ka saaran yahay xal u helida arrimaha Soomaaliya.

“ Soomaaliya waa dal xubin ka ah midowga Africa iyo QM waa dal xiriir dhow aan la leenahay waxa halkan ku nool kumanaan Soomaali ah, marka waxa na fuuleysa xil gaar ah oo ku aadan siddii dalkan loo silin lahaa” ayuu yiri William Hague.

 Caasimada Online

Xafiiska Wararka London