Turkey: Sidii aan u tagnay Somalia, hal arrin marnaba ma aysan dhicin.

Ankara (Caasimada Online) Dowladda Turkiga ayaa sheegtay siddii ay Soomaaliya u imaatay inay jirto hal arrin oo aan marnaba dhicin taasi oo ah in dad u geeriyooday baahi ama nafaqo daro.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Turkiga Bakir  Bozdag ayaa u sheegay wakaalada wararka dalka Turkiga in uu soo arkay dadka leh  “Turkiga sidduu u yimid Soomaaliya ma arkin dad u geeriyoonaya baahi ama dawayn”,

Turkiga ayaa tan iyo markii abaaraha ay ka dilaaceen Soomaaliya labo sano ka hor, waxay ay keeneen gargaar fara badan, kuwaasoo lagu caawiyay dadka Soomaalida ee ka soo cararay abaaraha dalka.

Hey’adda gargaarka ee TIKA iyo xarun uu la shaqeysa xafiiska madaxweynaha Turkiga oo lagu magacaabo (YTB) ayaa bilaabay in ay dalka Soomaaliya gaayeen gargaar aad u badan.

Bozdag ayaa sheegay in hey’adda TIKA ay ballaarisay xafiisyada ay ugu yaalla Soomaaliya tan iyo sannadkii 2011-ka, wuxuuna sheegay in hadda illaa 33-xafiis in ay ku lee dahay dalka.

Wuxuu yiri hey’addan TIKA waxa la dhisay markii uu Muqdisho booqday ra’iisal wasaare Recep Tayyip Erdogan.

Wuxuu kaloo sheegay  Bozdag in isbadal wayn ay ka sameeyeen Soomaaliya iyo dadka Soomaalida kuwaasoo u arkay Turkiga waddanka fiican, waxa kaloo uu sheegay in diyaarado ay lee dahay Turkiga oo gargaar wada in ay soo caga dhigteen Soomaaliya.

Waxa uu mahadceliyay shaqaalaha iyo dhaqaatiirta Turkiga ee imaaday Soomaaliya ee gacan ka geestay arrintaas.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in Turkiga uu la garab taagan yahay Soomaaliya siddii arrimaha gargaarka looga caawin lahaa, sidoo kale wuxuu sheegay in Turkiga uu ballaariyay safaaradaha uu ku lee yahay Africa oo 10-kii sano ee la soo dhaafay laga dhigay illaa 34- halka markii hore ay ahaayeen illaa 13-safaaradood.

Wuxuu kaloo sheegay ra’iisal wasaare ku-xigeenka in Turkiga uu bixiyay deeqo waxbarasho oo lacag la’aan ahey kuwaasoo la siiyay illaa 9,000 oo ah arday ajaaniib ah 2011, sidoo kale waxa la gaarsiiyay 45,000 sannadkii 2012.

Ugu dambeyn wuxuu yiri Bozdag Turkiga wuxuu noqon doonaa calaad ama magnad marka loo eego waxbarashada .

——————————–

W/Q: Turkish Weekly

Waxa turjumay Bahda Caasimada Online