Gaandi: Juhdigii lagu bixiyay dhismaha maamulka Jubbaland, waxaa cagta mariyay madaxweyne Sheikh Shariif”.

Prof Maxamed Cabdi Gaandi oo Hogaamiyo Urur la Magacbaxay Azaaniya ayaa mar uu u waramayey Telefishinka SomSat ayaa waxaa  ka Hadley arrimo  ku aadan Gobolada Jubbooyinka oo Sannadkii 2011 ay  qabsadeen Ciidamo ka tirsan Wadanka Kenya , waxaana uu sheegey  Mudane Gaandi in Caqabadii uguweyneyd ay kaga timid Dowladii Ku meel gaarka ahayd ee uu Hagaaminayey Shariif oo hor istaagtey in maamul loo sameeyo Gobolada Jubbooyin waxaana uu sheegey in laga dhaadhiciyey in Qabiil gaar uu wato Mamulkaasi.

“Juhdigii iyo Dadaalkii la sameeyey ee Maamul u sameynta Gobolada Jubbooyinka  waxaa Is hortaagey Dowladii Shiikh Shariif ka dib markii laga dhaadhiciyey in Qabiil Ogaadeen ah ay wataan “ayuu yriri Prof Gaandi ooo sheegey in Sannadkii 2011 uu Shiikh Shariif uu la  Dhacsanaa Maamul u sameynta Jubbooyinka hase yeeshee markii Dambe uu ka baxay Qorshahaasi.

Waxa uu intaas sii raaciyey in Sannadkaasi  mar uu Shiikh Shariif yimid Magaalada Kambala uu si Cad u sheegey in ay ka soo horjeedaan in mamul loo sameeyo Gobolada Jubbooyinka .

Prof Gaadi waxaa sheegey in sidoo kale ay dhibaato kale  ka imaaneyso Beelaha Dega Gobolada Jubboyinka kuwaas oo uu sheegey in aysan weligood ku heshiisn in maamul u sameytaan Goboladaasi.

Gaandi ayaa  waxaa kale uu sheegey in Magaalada Ksmaayo ay ka jiraan ilaa far Kooxood oo kala ah Azaaniniya , Ahlu Suuna , Rakambooni iyo Harti Group waxaana uu sheegey in Koox weliba ay doonyso in Maamusho Goboladaasi marka wey adag tahay in dadka ku nool Goboladaasi ay Maamul u sameytaan Deegaamadooda.

Hadalladiisa ayaa ah kuwii ugu horeeyay ee tusmeynaya in dhismaha maamulka Jubbaland ay weli caqabado hortaagan yihiin, islamarkaana aysan u fududeyn sida loo maleeyo.