Dowladda Hindiya oo bisha Ramadaan darteed u hakineysa dagaalka Gobolka Kashmiir

Kashmiir-(caasimadda online) – War ka soo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha dalka Hindiya ayaa lagu sheegay in iyada oo ixtiraameysa dadka Muslimiinta ah ee Hindida ah ay go’aansatay in ay ku dhawaaqdo hakinta dagaalka u dhaxeeya dowladda iyo Mucaaridka Kashmiir.

Wasaaradda arrimaha gudaha Dalka Hindiya ayaa shaacisay in ay ku dhawaaqday xabad joojin bil ah oo ka billaabaneysa maalinta 1da Bisha Ramadaan.

Waxaa ay sheegtay in haddii Ciidanka Hindiya la soo weeraro ay xaq u leeyihiin in ay is difaacaan hayeeshee aysan horseed ka noqondoonin weerar ama dagaalka dhexmara labada dhina inta lagu jiro Ramadaanka.

Madaxa xukuumadda Gobolka Kashmiir qeybta raacsan Hindiya Mehbooba Mufti, ayaa soo dhaweeyay aragtida dowladda Hindiya waxaana uu ku baaqay in Muslimiinta loo oggolaado in ay nabad ku soomaan.

Hindiya Gobolka Kashmiir waxaa ka jooga 500,000 oo Askari,kuwaas oo la dagaallamaya Kooxaha gooni isu taagga Gobolka Kashmiir qeybta Hindiya ay maamusho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com