Hormuud Foundation oo deeq gaarsiisay maxaabiista xabsiga dhexe iyo naafadda ciidamada xoogga

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hey’adda Kheyriga ee  Hormuud Foundation ayaa deeq raashin, dhar iyo xoolo nool ku wareejiyey Mas’uuliyiinta Xabsiga dhexe ee Xamar taasoo ay ugu talagashay inay Bisha Barakeysan uga baxaan maxaabiista ku xiran Xabsigaas.

Ugu horeyntii Madaxa Hey’adda Kheyriga ah ee  Hormuud Foundation Cabdullaahi Nuur Cismaan ayaa ka war bixiyey waxyaabaha ay ka kooban tahay deeqdaan, wuxuuna sheegay inay ka kooban tahay: 100 Loor oo Sonkor ah, 100 loor oo Bariis ah , 100 loor oo Bur ah , 1000  Kun Liitar oo Saliid Caddey ah, 5 Juuni oo caleenta Shaaha ah, 10 Kartoon oo Cabitaanka Foster ah, 4 Kun oo Kiilo oo Timir ah, Sidoo kale wuxuu sheegay inay wareejiyeen ilaa 5 neef oo Geel ah oo nooca ugu sareeyo ah.

Cabdullaahi Nuur ayaa Sidoo kale ka dhawaajiyey inay Hormuud Foundation  madaxda Xabsiga dhexe ku wareejiyeen dharkii ay ku ciidi lahaayeen dhammaan maxaabiista ku jirta Xabsiga dhexe oo isugu jira Rag iyo Dumar.

Taliyaha Ciidamada Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa Hormuud Foundation ka guddoomay deeqdii raashinka iyo xoolo nool ka koobneyd wuxuu Alle uga baryey inuu siiyo badal ka kheyr badan

”  Waxaan leenahay Hormuud Foundation Illaahey maashii ay kasoo saareen wax ka badan oo kheyr badan allaha ugu badalo, aduunka Allaha ku xafido, Aakhrana Allaha ugu badalo janadisa, Qabrigana allaha u waasiciyo” Ayuu yiri  Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac oo saxaafadda kula hadlay Xarunta xabsiga dhexe.

Dhan kale Hey’adda Kheyriga ee Hormuud Foundation ayaa naafada Ciidamada xoogga dalka ee dagaalkii 77 ee ku nool Isbitaal Martiini soo gaarsiisay deeq isugu jirtay lacag iyo timir. waxaana mar kale deeqdaan faahfaahin ka bixiyey Madaxa Hey’adda Kheyriga ah ee  Hormuud Foundation Cabdullaahi Nuur Cismaan wuxuuna yiri:

” Waxaan halkaan oo ah Isbitaalka Martiini deeqa isugu jirto lacag iyo Timir soo gaarsiinay naafada ciidamada Xogga dalka ee dagaalkii 77, waxayna deeqdaan ka kooban tahay 5 Kun oo Dollar iyo 400 oo Kiilo oo Timir ah” ayuu yiri.

Deeqdaan ay Hormuud gaarsiisay Xabsiga dhexe iyo Naafadii Ciidamada Xoogga dalka ee dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa kusoo aadeyso xilli ay maalmo ka hor 100 Kun oo Dollar ugu deeqday dadka ay saameynta ku yeelatay daadadka ku fatahay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.