Dowladda Itoobiya oo shaacisay magacyada Dekadaha ay isticmaaleyso

Addis Ababa (Caasimadda Online) – Itoobiya ayaa sheegtay iney adeegsaneyso dakadaha waddamada deriska la ah si ay uga kaaftoonto ku tiirsanaanta dakadaha Jabuuti oo keli ah.

Wasiirka Gaadiidka ee Itoobiya Daagmaawiit Moges oo FBC u warrantay waxay sheegtay dalka Itoobiya alaabaha uu dhoofiyo ama uu soodajiyo 99% inuu ku tiirsanaa dakadaha Jabuuti oo keli ah balse hadda la doonayo seddex dakadood oo kale oo ku yaalla waddamada deriska in uu dalka Itoobiya isticmaalo.

“Dakadaha aan isticmaalkooda bilaabeyno qaarkoodna aan horay billownay waxay kala yihiin Dekadda Berbera, Dekadda Lamu iyo Dakadda Port Sudan, isticmaalka dekadahaasina waxay keeneysaa ku tiirsanaantii dakadaha Jabuuti ee ahayd 99%, iney noqoneyso 89% meelahaa iyada oo dekadaha cusub ee aaan isticmaaleyno 8.8% ay kaalintooda noqoneyso” ayey tiri.

Itoobiya waxay dhawaan meel marisay siyaasaddeeda ku aaddan Logistika (Logistic Policy), waxaana lagu qeexay iney lagama maarmaan tahay Itoobiya iney dakad hesho inta ay dakad ka heleysana ay sii isticmaasho dakadaha waddamada Deriska la ah ee u dhow.

Itoobiyana waxay dhawaan heshiis seddex geesood ah la gashay Somaliland iyo shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta oo maalgashi ku sameynayo dakadda Berbera.

“Dekadda Berbera si aan u isticmaalno gudaha Itoobiya waxaa laga wadaa mashaariic isugu jira waddooyin isku xira Itoobiya iyo Berbera iyo tasjiilaadkii kale oo gacan ka geysanayo inaan dekadda Berbera si buuxda u isticmaalno. Shirkadda DP World waxaan la galnay heshiis ay ku kaceyso 1 balyan oo doolar, Adeegsiga Dekadda Laamuu dowladda Kenya heshiis ayaan kala galnay iyada oo dhawaan xarigga laga jaray waddooyinkii Itoobiya iyo dakadda isku xiri lahaa” ayey tiri.

Tallaabbooyinkaasi haddii ay dowladda Itoobiya qaaddo waxay fursad u siineysaa iney muddo kooban ay ku tallaabsato horumar dhaqaale oo dalka waxbadan ku soo kordhiyo maadaamaa ay dakaduhu halbowlo u yihiin kobac dhaqaale ee dalka.

Itoobiya oo ah dal ay ku nool yihiin in ka badan 100 malyan oo dhul weyna ku fadhida ayaan lahayn dakad ay iyadu leedahay oo ay wax kala soo degto ama ay kadhoofiso.