Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday ganacsato Al-Shabaab ka caawinayey qaraxyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida ayaa Maanta xukun ku riday ganacsato lagu eedeeyay inay gudaha dalka soo geliyeen Kiimikada iyo Agabyada loo adeegsado waxyaabaha qarxa, kaasi oo lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

Raggaan oo tiro ahaan gaaraya ilaa 7 ayaa waxaa lagu kala Magacaabaa, Cabdisalaan Cali Faarax, Qadar Cabdisalaan Maxamed, Maxamed Cabdi Sheekh Cumar, Daahir Cusmaan Maxamed , Cabdisalaan Cusmaan Maxamed iyo  hal eedeysane oo baxsad ah.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa sheegtay in Raggaan lagu helay dambi ah inay dalka soo geliyeen Kiimikada qaraxyada, una sii gudbin jireen dagaalameyaasha Al-shabaab.

Raggaan ayaa Xeer ilaalinta Maxakamadda waxaa ay ku eedeysay in laga soo bilaabo sanadkii 2018-dii ilaa 2020 ay Al-Shabaab dekadda Muqdisho uga soo dejiyeen maadooyin laga sameeyo qaraxyada iyo Agab kale.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa Maxkamadda Ciidamada ka codsatay in eedeysanayaasha lagu rido xukuno adeg, maadaama dalka ay soo geliyeen waxyaabo halis ah oo khatar ku ah nafta iyo deegaanka.

Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada ayaa sheegay in Maxamed Cusmaan Maxamed oo raggan Madax u ahaa lagu xukumay Xabsi daa’in halka Cabdisalaan Cali Faarax, Qadar Cabdisalaan Maxamed, Maxamed Cabdi Sheekh Cumar, Daahir Cusmaan Maxamed , Cabdisalaan Cusmaan Maxamed lagu xukumay min 8 sano oo Xabsi ah.

Sidoo kale Maxkamadda Ciidamada ay siideysay Cabdisalaan Cusmaan Maxamed, kadib markii la sheegay in Maxkamadda baaritaan dheer kadib ay wax dambi ah ku weysay.