Saddex dal oo Carab ah oo billaabay inay Muslimiinta Uyghurs u dhiibaan Shiinaha

Riyadh (Caasimada Online) – Dalalka Imaaraadka Carabta, Masar iyo Sacuudi Carabiya ayaa billaabay inay masaafuriyaan oo ay Shiinaha u gacan geliyaan Muslimiinta Uyghur ee dalkaas lagu ciqaabo, sida uu shaaciyey taleefishinka CNN.

Warbixinta CNN ayaa lagu sheegay in Sacuudi Carabiya ay 2018 illaa 2020, u gacan geliyeen Shiinaha ugu yaraan hal qof oo Uyghur ah, kaasi oo dalkaas u tegay inuu kusoo guto Cumrada. Qof kale ayaa sidoo kale la xiray kadib markii uu dalkaas u tegay Xajka, wuxuuna hadda wajahayaa masaafurin loogu gacan gelinayo Shiinaha.

Sidoo kale, Amannisa Abdullah oo Uyghur ah ayaa sheegtay in seygeeda Ahmad Talip laga qabtay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, bishii Febraayo ee 2018, loona gacan geliyey dowladda Shiinaha. Amannisa ayaa kadib u carartay dalka Turkey oo ay hadda ku nooshahay.

“Dhammaan dalalkan kalama jecla xuquuqda aadanaha,” waxaa sidaas CNN u sheegtay Maya Wang oo ah cilmi-baare sare oo Shiinees ah oo ka tirsan hay’adda xuquuqada aadanaha ee Human Rights Watch (HRW).

“Waa dowlado aan la dooran oo muwaadiniintooda ku cadaadiya dalalkooda, mana jirto xeer iyo sharci dimoqraadi ah marka ay timaado masaafurinta Muslimiinta Uyghurs,” waxaa sidaa bishii April lagu sheegay warbixin ay sii daysya HRW, oo ku saabsaneyd xadgudubyada ka dhanka ah muslimiintan.

Muslimiinta Uyghurs oo ah qowmiyad ku hadasha luuqadda Turkish-ka oo ku nool gobolka Xinjiang ayaa wajahaya cadaadis iyo xagudubyo diimeed iyo mid qowmiyadeed oo ay kala kulmayaan mas’uuliyiinta Shiinaha.

Warbixin ay sanadkii tegtay soo saartay Qaramada Midoobe ayaa lagu sheegay in dowladda Shiinaha ay xirooyin xabsi ah ku hayso hal milyan oo ka mid ah Muslimiintan.