James Swan iyo Rooble oo ka wada hadlay dib u dhaca fulinta qodobadii lagu heshiiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay Ra’isulwasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wakiilka xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan.

Kulanka oo uu qaban qaabadiisa lahaa wakiilka xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa waxaa looga hadlay howlaha doorashada oo ay ka shaqeeneyso Xukuumadda Soomaaliya oo uu hormuudka u yahay Ra’isulwasaare Rooble.

James Swan ayaa Ra’isulwasaare Rooble waydiiyey sababta keentay dib u dhaca heysta fulinta qodobadii ku qornaa heshiikii ay madaxda Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe ku saxiixdeyn Muqdisho  27 May ee sanadkan.

Ra’isulwasaare Rooble ayaa si weyn isku difaacay, wuxuuna wakiilada Qaramada Midoobay u sheegay inay ka go’an tahay in waqtiga doorashada aan dib looga dhicin, balse wuxuu ka cudur daartay inay jiraan duruufo adag oo u baahan in Beesha Caalamka ay gacan ku siiso.

Sidoo kale kulanka ayaa waxa si weyn looga hadlay Amniga iyo Caddaalada iyo shaqooyinka culus ee la xiriira amniga doorashooyinka taas oo sida ku caddeyd hishiiskii 27 May ee ahaa in la dhiso Guddi Amni oo ka kooban 9 xubnood oo Ra’isul Wasaaruhu hogaaminayo kuwaas ka imaanayo Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada.

Dhanka kale, kulanka ayaa waxaa lagu soo hadal qaaday sidii Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ay isaga kaashan lahaayeen taageeridda dadka ku waxyeeloobay daadadka degaanada Hirshabelle, waxaana lasoo jeediyey in sida ugu dhaqsiyaha badan kaalmo loo gaarsiiyo deegaanada ay fatahaadaha saameeyeen iyo dadka barakacay.

Kulanka uu Ra’isul Wasaare Rooble la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay waxaa goobjoog ka ahaa Guddiga Farsamada Doorsashooyinka ee dhawaan uu magacaabay Ra’isul Wasaaruhu kuwaas oo ka shaqeyn doono arrimaha farsamo ee mudnaanta u leh Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya si uu habsami uga fuliyo howlaha doorashooyinka ee uu xilsaaran yahay.

Kulankaan ayaa imaanayo xilli uu dib u dhac yimid fulinta qodobkii ugu horeeyey ee heshiiskii 27 May oo ahaa dib u eegista xubnahii tabashada laga keenay ee guddiyadda doorashada iyo magacaabista kuwa cusub, inkastoo ay hadda mareyso meel gebagabo ah.