Maamul Gobolka Banaadir oo soo saaray amaro culus oo ku socdo Shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo looga hadlayey sidii amniga loo sugi lahaa maalmaha xuriyadda ee 26 june iyo 1da Luulyo 2021.

Kulanka oo ay kasoo qeyb galeyn  Saraakiisha Laamaha Amaanka qeybahooda kala gedisan, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Kuxigeenada Maamulka Gobolka ayaa waxaa looga hadlay amniga iyo bilicda magaalada inta lagu guda jiro maalmaha xuriyadda.

Waxaa kulanka laga soo saaray amaro culus oo ku socdo Shacabka Muqdisho iyo guddoomiye ku xigeenka si ay shacabkooda u gaarsiiyaan in Maalmaha Xorriyadda si weyn loo weyneeyo.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir  Saalax Cumar Xasan oo Akhriyay Awaamiirta soo baxday kulanka ayaa sheegay inay kamid tahay:

1)  in guryaha saaran laamiyada la rinjiyeeyo.

2) In guryaha laamiyada saaran lagu xiro nalal

3 In Calamada Astaanta Qaranka la suro guryaha iyo ganacsiga

4) Jn qof kasta ay nadiifiso horteeda, gaar ahaan goobaha danta guud.

Amarada kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa kuso aadayo xilli ay socoto isku diyaarinta maalmaha xuriyadda oo ay ka dhiman tahay maalmo yar.