Dowladda Jabuuti oo war kasoo saartay eedeyntii DF iyo warbixintii ka careysiisay

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa ganafka ku dhufatay eedeymihii ay dowladda federaalka u jeedisay guddigii xaqiiqo raadinta ee ururka IGAD u saaray xiisada Soomaaliya iyo Kenya, midaasi oo Soomaaliya ku sheegtay mid dhinaca saaray dowladda Kenya oo ay is hayaan.

Jabuuti ayaa war-saxaafadeed soo saartay ku sheegtay in warbixinta guddiga xaqiiqo raadintu ay tahay “mid dhex-dhexaad ah oo xaqiiqda ku qotonta”, isla markaana looga howl-galay xiisada labada dhinac qaab aan eex laheyn oo hufnaan ah.

“Marka la eego sida howshu u dhacday, waxaan shaki ku jirin in loo qabtay si xirfad iyo dhex-dhexaadnimo ah,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda Jabuuti.

“Jabuuti waxay had iyo jeer ku dadaashaa nabada iyo xasiloonida gobolka oo ay ka samayso dadaal badan si looga qayb-qaato nabad-gelyada, xasiloonida iyo nabadeynta Soomaaliya, welina way ka go’an tahay inay sii wado dadaalkan.”

Sidoo kale waxa lagu sheegay in warbixintaas uu guddiga u gudbiyay golaha sarre ee urur goboleedka IGAD, oo markii hore u xil saaray guddigaasi xaqiiqo raadinta ah ee ay ka biyo diiday natiijada kasoo baxday dowladda federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina waxa qoraalka lagu sheegay in dowladda Jabuuti ay tix-gelinayso in go’aan ka gaarida warbixinta guddiga xaqiiqo raadinta ay hortaalo golaha IGAD, taasi oo xal kama dambeys ah looga gaarayo xiisada ka dhaxeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo Kenya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay dhigeeda Jabuuti ku eedeysay inay la safatay dowladda Kenya, maadama guddigaasi xaqiiqa raadinta ah ee loo diray xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, ooay  badankoodu ka socdaan Jabuuti.

Guddigaas ayaa waxa lagu iclaamiyey shirkii 20-kii bishii December ay madaxda IGAD ku yeesheen dalka Jabuuti, kaasi oo loo diray xuduuda si loo baaro waxa ka jira cabashada Soomaaliya ee ah in Kenya ay jabhad ka abaabuleyso xuduuda ay wadaagaan labada dal.

Guddiga oo shalay soo saaray warbixin ayaa sheegay in xuduuda aysan ku soo arkin wax cadeynaya sheegashada Soomaaliya ee ah in Kenya ay abaabuleyso jabhad weerarro uga fulisa gudaha Soomaaliya, midaasi oo wax lala yaabo ay ku tilmaamtaay warbixintii guddiga, iyadoo wasiir Dubbe oo u hadlay dowladda uu ku eedeeyey inaysan dhexdhaxaad aheyn oo ay soo saareen warbixin hal dhinac ah.

“Markii uu xumaaday xiriirkii aan la laheyn Kenya waxaa la isugu tegay shirkii Jabuuti, waxaa lagu heshiiyey in guddi loo saaro arrinta, Soomaaliya way ku faraxday markii Jabuuti loo xil saaray baaritaankaas, warbixintii waa soo baxday, balse dowladda Soomaaliya waxuu ku noqday fajac iyo amakaag, wax kasta oo Soomaaliya ay dhibsatay oo ay ka dacwootay guddigu waxa uu ka dhigay waxba kama jiraa,” ayuu yiri wasiir Dubbe oo u hadlay dowladda.

Waxa kala oo uu sheegay in guddigu uu Soomaaliya qaladka saaray, isla markaana ay qoreen in arrinta cilaaqaadka xumeysay ay tahay mid hore, haatana aysan jirin wax ka dhaxeeya labada dal oo aan aheyn arrinta badda.

Xubnaha guddiga loo diray xuduuda oo ah 7-qof oo lix ka mid ah ay Jabuuti ka socdaan waxaa ka mid ah, Yacin Elmi Bouh, oo ah safiirka Jabuuti ee Kenya, Aden Hassan Aden, oo ah safiirka Jabuuti ee Soomaaliya, General Taher Ali Mohamed, Colonel Ali Aden Houmed, Colonel Mohamed Barkad Aden, iyo Taliye Houssein Idriss Egueh, oo ka wada tirsan ciidamada Jabuuti, iyo Taliye Abebe Muluneh, oo ah agaasimaha waaxda amniga ee IGAD.