James Swan oo war kasoo saaray guddiyada ay diiday DF ee ay soo magacaabeen Jubaland iyo Puntland

Jowhar (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan oo maanta gaaray magaalada Jowhar, ayaa ka hadlay guddiyadii ay magacaabeen maamulada Puntland iyo Jubbaland, oo hore u diiday in xubnahooda ay kusoo daraan guddiga doorashada ee lagu muransan-yahay.

James oo ay wehliyaan wakiillo ka socda Hay’adda Beeraha iyo Cunnada ee FAO iyo Madaxa Booliska UNSOM ayaa markii ay gaareen magaalada Jowhar la kulmay Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Xuseen Guudlaawe iyo golahiisa wasiirradda.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka ka taagan, gaar ahaan is-mari-waaga doorashada ee u dhaxeeya dowladda federaalka, maamulada dalka iyo musharaxiinta mucaaridka oo iyaguna dhinac ah.

Sidoo kale waxa kulankaas looga hadlay taageerada Qaramada Midoobay ee Hirshabeelle, taas oo dhinacyo badan leh, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay kulankaas.

James oo kulankaas kadib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo magacaabista Puntland iyo Jubbaland ee guddiyada doorashooyinka, kuwaasi oo ku tilmaamay kuwo “wax ku ool ah”.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in kulanka ay madaxda labada maamul ku baaqeen ee madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada uu yahay mid waxtar leh oo xal looga gaari karo khilaafka doorashada, xili ay muddo yar ka harsan tahay muddo xileedka madaxweynaha.

Hadalkan ayaa imanaya xili ay maanta Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sharci darro ku sheegtay hanaanka ay madaxda Puntland iyo Jubbaland u magacaabeen xubnaha guddiga doorashooyinka, kuwaasi oo ku yimid cadaadis beesha caalamka ah.

“Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisinta waxay mar kale ku celinaysaa in guddiyada ay shaaciyeen Madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ay yihiin kuwo baalmarsan hanaanka sharciga ah ee loo maro magacaabista guddiyada,” ayaa lagu yiri qoraal ay DF soo saartay.

Si kastaba, mowqifka ay dowladda federaalka ka qaadatay arrintan ayaa markale walaac laga muujinaya inay sii fogeyso labada maamul goboleed ee kusoo dabcay waan-waanta beesha caalamka, oo iyagu ka dambeeyey magacaabista cago jiidka ah ee ay sameeyen.