Kenya oo jawaab ka bixisay go’aanka Somalia, qaaday tallaabo aan laga fileynin

Nairobi (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa ka jawaabtay go’aankii ay dowladda federaalka Soomaaliya xiriirka diblomaasiyadeed ugu jartay, waxayna qaadday tallaabo ay sheegtay inay xal ku raadineyso.

Afhayeenka dowladda Kenya, Cyrus Oguna ayaa sheegay in Kenya ay dhistay guddi ay u xil saartay inuu raadiyo xallinta khilaafka kala dhexeeya Soomaaliya ee keenay in Muqdisho ay gebi ahaan xiriirka u jarto Nairobi.

Sida ay sheegtay warbaahinta Kenya, afhayeenka dowladda Kenya ayaa sidoo kale sheegay in labada dal ay “xiriir dhow wadaageen sanadihii la soo dhaafay” ayna muhiim tahay in xirriirkaas la ilaaliyo.

“Wadahadallo ayaa soconaya si xiriirka labada dal uu ugu soo noqdo mid caadi ah,” ayuu yiri Oguna, oo ka hadlayey xiisadda cusub ee labada dal.

“Waxaa jira guddi loo xilsaaray eegidda arrimaha soo kala dhex galay labadan dal ee wadaaga taariikhaha badan,” ayuu ku daray afhayeenka.

Oguna ayaa sheegay in aanay ka aar-gudan doonin Soomaaliya, isla markaana aanay qaadi doonin tallaab la mid ah tii ay qaaday Soomaaliya ee ay xiriirka ugu jartay.

“Waxaan nahay ummad sareysa, ma sameyn karno wax la mid ah wixii ay Soomaaliya sameysay, haddaan sidaa yeelno waxay u muuqaneysaa aar-gudasho, waxaan u ogolaan doonaan inay arrintan la wareegaan IGAD iyo Comesa,” ayuu yiri Cyrus Ogona oo maanta Warbaahinta kula hadlayay magaalada Nairobi

War xalay saqdii dhexe ka soo baxay xukuumadda Fedaraalka ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu amray dublamaasiyiinta Kenya ka jooga Soomaaliya in ay dalka uga baxaan muddo 7 maalmood gudahood ah halka kuwa Soomaaliya lagu amray in ay dalkooda dib ugu so laabtaan, ayada oo Soomaaliya ay sheegtay inay xiriirka u jartay Kenya.

Wasiirka warfaafinta dowladda fedaraalka ee Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo warbaahinta dowladda ka hadlay ayaa sheegay in dawladda Soomaalia ay qaadatay go’aankan, si ay uga jawaabto xadgudubyada siyaasadeed iyo faragelinta qaawan ee Kenya ku hayso madaxbannaanida Soomaaliya.