Dowladda Kenya oo wadda qorshe ‘Soomaalida lagu cuno-qabateynayo (Aqriso)

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa wada qorshe ay ku rabto inay hoos ugu dhigto dhaqaalaha ay siiso gobollada Waqooyiga oo ay aad ugu badan yihiin Soomaalidu, kaasi oo si rasmi ah loogu gudbiyey Aqalka Senet-ka ee Kenya.

Mooshin arrintaasi ku saabsan ayaa loo gudbiyay Aqalka Senet-ka, kaasi oo dhigaya in laga jaro in kabadan 30% dhaqaalaha ay dowladda siiso, taasi oo lagu macneeyay cuno-qabateyn ka dhan ah Soomaalida.

Dhaqaalaha laga jarayo gobollada Waqooyi ayaa lagu sheegay mid lagu kaabayo gobollada kale oo ay dowladdu ku doodayso inay ka dad badan yihiin kuwa Soomaalida ee laga jarayo dhaqaalahaasi.

Waxayna arrintaasi dhalisay xiisad xoogan, iyada oo gebi ahaanba ay ka hor-yimaadeen xildhibaanada Soomaalida ah ee laga soo doorto gobollada Waqooyi.

Xildhibaanadaasi ayaa ku dooday in qorshaha dowladda ee dhaqaalaha badan uga jarayso gobolladii laga soo doortay ay tahay mid aan la aqbali karin.

Wararka aan helayno ayaa sidoo kale sheegaya in Aqalka Senet-ku uu hakad galiyay  mooshinkaasi, kaasi oo ay si weyn uga caroodeen xildhibaanada Soomaalida.

Ilaa iyo hadda si dhab ah uma cada xiliga laga doodi doono mooshinkaasi, midkaasi oo mas’uuliyiinta Soomaalidu ay ku sheegen mid dowladdu ku cuno-qabateynayso goboladdaasi.