Keynya oo war cusub ka soo saartay diyaaraddii ku burburtay garoonka Dhoobley

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa cusub ka soo saartay diyaarad nooca milatariga ah oo shalay ku dhacday garoonka diyaaradaha degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.

Afhayeenad u hadashay waaxda difaaca ee dalkaasi ayaa sheegtay 10 ruux oo diyaaraddaasi la socotay la soo badbaadiyey, islamarkaana la geeyey isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi.

“Dhammaan Tobanka ruux ee Militariga ah ee la socday diyaaradda waxaa la geeyay isbitaal Militari oo ku yaalla magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya, xaaladoodu waa ay wanaagsan tahay,” ayay tiri Afhayeenaddaan u hadashay Ciidamada Difaaca Kenya (KFD).

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in dowladda Kenya ay haatan wado baaritaan dheeraad ah oo ku aadan waxa sababay shilkaasi diyaaradeed.

Baaritaanno ayaa socda, waaxda dabagalka ee shaqada ku leh howshaan ayaa ku howlan sababta diyaaradda ciladdeeda keentay, ayay sii raacisay.

Waa diyaaraddii afaraad ee Kenya uga burburtay Soomaaliya, waxaana ugu dambeysay tii ku dhacday garoonka Beledweyne ee Ugaas Khaliif.