Turkey oo war kasoo saartay ciidanka Soomaalida ee la sheegay inay geynayso Libya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa markii ugu horreysay ka hadashay warbixino sheegaya inay ciidan Soomaali ah geyneyso dalka Libya si ay uga qeyb-galaan dagaalka ka dhanka ah dagaal-ooge Khaliifa Xaftar.

Safiirka Turkiga ee Sooomaaliya Mehmet Yilmaz, oo wareysi siiyey wakaaladda wararka Anadolu Agency, ayaa sheegay inaysan jirin in dowladda Turkiga ay dowladda Soomaaliya weydiisatay ciidan la geeyo Libya.

Waxa uu intaas ku daray in wararka ay faafinayaan dalal cadow ku ah Turkiga.

“Baraha bulshada Soomaaliya waa kuwa aad u xooggan. Waxaan ka aragnaa dadaallo ay dalalka qaar wadaan oo ay dantooda ku fulinayaan. Waxaan u aragnaa arrintan olole qorsheysan. Wararka ma ahan kuwa run ah, waxba kama jiraan sheegashooyinkan,” ayuu yiri Mehmet Yilmaz.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale horey u beenisay in ciidamo Soomaaliya ay qeyb ka noqonayaan dagaalka Libya.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Axmed Cawad ayaa sheegay in gebi ahaanba uu jirin qorshe ay ciidamo ugu dirayaan dalka Libya, isla markaana uusan jirin wada-hadal arrintaasi la xiriira oo ay wada yeeshen dowladda Turkiga.

“Ma jiraan ciidan aan u direyno Libya, Ciidamada Soomaaliyana ma ahan calooshood u shaqeystayaal, sida ciidamada kale ee la sheeg-sheegayay. Marka anaga ma haysano calooshood u shaqeystaal”.

Dowladda Turkiga ayaa horey Libya u geysay ciidamo Syrian calooshood u shaqeystayaal ah, oo u dagaalama dowladda dalkaas ee dagaalka kula jirta dagaal-ooge Khaliifa Xaftar.