Waxa ay Qatar ku bedelatay taageerada Villa Somalia iyo shir dhowaan dhacaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Boqortooyada Qatar oo la fahamsan yahay inay qeyb lixaad leh ka qaadatay ololihii doorasho ee uu kusoo baxay madaxweyne Farmaajo, ayaa xiligan ku howlan qorshe uu muran ka taagan yahay.

Sida ay ogtahay Caasimada Online, Qatar ayaa galaangal xoogan oo siyaasadeed ku leh talada dalka ee uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo, maadama ay dhaqaale badan ku bixisay xiligii doorashadiisa.

Qatar ayaa xiligan rabta inay si weyn uga faa’iideysato kheyraadka dalka, iyadoona si gaar ah isha ugu haysa batroolka iyo gaaska ku jira badda iyo bariga Soomaaliya, kaasi oo uu sharcigiisa uu saxiixay madaxwaynaha jamhuuriyadda federaalku.

Qoyska Boqortooyada Qatar ee la rumeysan yahay inay maal-geliyeen ololihii doorashada ee madaxweyne Farmaajo ayaa kamid ah awoodaha ugu muhiimsan ee xiligan, taasi oo u sahleysa damaceeda ku aadan inay gacanta ku dhigto shidaalka dalka.

Qatar ayaa kaalinta koowaad kaga jirta dalalka daneynaya batroolka dalka, iyada oo uu bilowgii sanadkan shaaciyey madaxweynaha Turkiga, Erdogan in dowlada Soomaaliya ay ku marti qaaday inay ka qeyb qaadato sahminta Batroolka ku jira badda dalka Soomaaliya.

Waxaana dhawaan lagu wadaa in dalka Turkiga uu ka qabsoomo shir looga hadli doono iskaashiga oo sida la filayo ay ka qeyb geli doonaan Farmaajo, Abiy Ahmed iyo Amiirka dalka Qatar Thani.

Dowladda iyo baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa si wada-jir ah bilowgii sanadkan u ansixiyey Sharciga Batroolka Soomaaliya, kaasi oo u muuqday mid deg-deg lagu meel-mariyey, xili ay taagneeyn sharciyo ka muhiimsana.

Isla toddobaadkii tagay ayaa waxa la dhisay Hay’adda batroolka oo qeyb ka aheyd dhameystirka sharciga bartoolka, taasi oo ay ansixiyeen xukuumaddii la riday ee Kheyre, iyagoona meel-mariyey heshiisyo maal-gashi, oo aan faah-faahin dheeriya laga bixin

Dhaq-dhaqaaqyada xawliga ku socda ee daaha dabadiisa laga wado ee ku qotoma ka faa’iideysiga khayraadka iyo batroolka Soomaaliya ayaa u muuqda kuwa abuuraya walaac xoogan iyo xiisado hor leh oo dalka ka dhasha.