Dowladda Malaysia oo qaaday tallaabo qalqal ku abuurtay Soomaalida dalkaas ku dhaqan (Aqri).!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Degmadda Ohor Baru ee dalka Malaysia waxaa la soo taagay Nin Somali oo lagu magacaabo Mustafa Salad Jama, kaasi oo lagu eedeeyey inuu si sharci-darro ku joogay dalkaasi iyo inuu si dhuumaalaysi ah ugu safri lahaa dalka Singapore.

Boliska Socdaalka iyo Canshuuraha ayaa la sheegay inay ninkaasi ka soo dhex qabteen bas uu doonayey inuu ugu sii safro dalka Singapore.

Garsoore Salawati Djambri ayaa ku xukumay Eedeysanahaasi ganaax lacageed oo dhan RM16,0000, kadib, markii uu Eedeysanaha qirtay labo dacwad oo lagu soo oogay.

Garsooraha waxa uu sheegay haddii uu bixin waayo lacagtaasi in loogu bedelayo xabsi 12-bilood ah.

Mustafa Salad Jama oo 32-jir ah ayaa ka codsaday Garsooraha in loo qafiifiyo xukunka, isla markaana uu daonayo inuu ku laabto dalkiisa hooyo, maadaama uu xaas iyo carruur ka soo tagay.

Saraakiisha Socdaalka ee dalka Malaysia ayaa la sheegay inay Mustafa Salad Jama soo xireen bishan September 1-dii, isagoo la socday Bas ku sii jeeday dalka Singapore.

Warbaahinta dalka Malaysia ayaa qoray inuu Eedeysanaha watay Baasaboor Somali oo labo baal laga jeexay iyo inuu dalka Malaysia si sharci-darro ah ku joogay muddo labo bilood iyo 12 maalmood, kadib, markii uu Fiisihiisu dhacay bishii June 20-dii.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com